Daawo muuqaal: Farmaajo iyo Abiy Ahmed oo si wada jir ula hadlay warbaahinta

0
225

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maanta booqasho ku imaaday magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.
Ra’isul wasaare Abiy Ahmed, ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, iyadoo soo dhaweyn kadib loo galbiyay Villa Somala.
Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul was are Abiy Ahmed ayaa goor dhow si wada jira ula hadlay warbaahinta iyagoo ku sugan xarunta Madaxtooyadda.
Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in maanta Ra’isul wasaaraha Ethiopia booqasho uu ku yimaado Magaalada Muqdisho.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in booqashadda Abiy Ahmed ay tahay mid taariikhi ah oo xoojin doonta xirirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loogu sameeyay Magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in labadal uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah.





READ MORE FROM THE SOURCE: Daawo muuqaal: Farmaajo iyo Abiy Ahmed oo si wada jir ula hadlay warbaahinta

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.