Daawo: Sheekh Shibli oo cashar u dhigay Cali Dheere

0
277

Nairobi (Caasimada Online) – Dunida muslimka waxey u aheyd maalin murugo badan jimcadii lasoo dhaafay markii shaqsi islaam naceyb lagu sumadiyay uu boqolaal qof waxyeelo ugu geystay laba masaajid oo ku yaala wadanka New Zealand, gaar ahaan magaaldaa Christchurch.Salaadda jimcaha kadib ayeyna musiibo laga sheekeeyo dhacday, dunida muslimka iyo kuwa reer galbeedkaba siyaabo kala duwan ayey uga falceliyeen, waxeyna falkaas doqonimada ah ku tilmaameen mid aan wanaagsaneyn.Marka laga tago dunida inteeda kale, waxaa hadal heyn noqotay tacsi ay direen xarakada Al Shabaab oo ay dadka aan taageersaneyn mabda’ooda ku sheegaan kuwa si sharci darro ah u baneystay dhiigga umadda.Cali Dheere oo ah afhayeenka ururka ayaa tacsi u diray dadka muslimiinta ah ee ku waxyeeloobay labadii masaajid ee New Zealand xilli maalmo qura laga joogo weerarkii ay ururka ka geysteen Hotel Makka Al-Mukarama halkaas oo ay ku naf baxeen tiro dad shacab muslim ah.Qaar ka mid ah oraahyada afhayeenka waxaa ka mid ah: “Dhacdadaas foosha xun ee ka dhacday New Zealand waxay markale daaha ka rogeysaa colaadda gaamurtay ee ay gaaladu u qabaan Muslimiinta, waxay marag ma doonto u tahay xiqdiga saliibiga ah ee kuwaas falkaas geystay iyo kuwa kale ee gadaal ka taagan ay u hayaan dadka muslimiinta ah”Iyadoo taasi ay jirto ayaa hadana Shiikh Maxamed Shibili oo ah mid ka mid ah mashaa’iqda Somalida ayaa baraha buslahda fariin u mariyay Al Shabaab isagoo muujinaya in tacsida ay u direen New Zealand ay tahay wax aan macno weyn ku fadhin maadaama ay yahiin dad baneystay dhiigga shacabka Soomaalida ee Musliiminta ah.Shiikh Shibili fariintiisa waxey muujineysay mid uu kasoo horjeedid ugu muujinayo Cali Dheere iyo ururka Al Shabaab, wuxuuna is weydiiyay sida ay macquulka ku tahay iney muslimiinta New Zealand u tacsiyeeyaan iyagoo boqolaal Soomaali ah ku dila Soomaaliya, wuxuu carabka ku dhuftay weeraradii Shaamow, Makka Al Mukarama iyo Tiyaatarka.Shibili isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Al Shabaab u sheegay iney joojiyaan dhiigga shacabka ay leynayaan siduu hadalka u dhigay isla markaana ay muslimiinta si guud uga wada damqadaan.Weerarkii ka dhacay masaajidda wadanka New Zealand waxaa ku geeriyooday inta la xaqiijiyay ilaa 50 qofood halka in ka badan ay ku dhaawcmeen.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Daawo: Sheekh Shibli oo cashar u dhigay Cali Dheere

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.