Daawo Video laga duubay Macron oo Maxamed Bin Salmaan siinaya digniin

0
296

Buenos Aires (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron ayaa muuqaal laga duubay isaga oo u digaya dhaxal-sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan, markaasi oo si lama filaan ah ay kaamirada u qabatay.Labada dhinac ayaa wada-hadal aan rasmi ahayn uu ku dhinac yeeshay shirka dalalka dhqaalaha adduunka ugu sarreeya ee G-20 oo ka socda dalka Argentina.Macron ayaa la maqlay isaga oo leh “Waan walaacsanahay, waan walaacsanahay….waan kuu sheegay”“Haa, waad ii sheegay” ayuu ku jawaabay Amiir Maxamed, “Aad baad u mahadsan tahay”“Marnaba ima dhageysatid” ayuu yiri Macron.“Maya, dabcan waan ku dhageystaa” ayuu ku jawaabay Maxamed Bin Salmaan, oo dhoola caddeynaya kadib markii uu dareemay in kaamiro ay duubeyso.“Sababtoo ah waan kuu sheegay. Aad ayey muhiim kuugu ahayd” ayuu yiri Macron oo dhoola caddeynaya ka hor inta uusan billaabin inuu ka durqo amiirka.Macron ayaa markaas yiri wax aan la maqal, balse Maxamed Bin Salmaan ayaa ku jawaabay “Waa caadi, wax waan ka qaban karaa”Xoogaa kadib ayaa Macron la maqlay isaga oo leh “Waxaan ahay nin ka dhabeeya wixii uu yiraahdo”Lama yaqaan waxa ay ku saabsaneyd sheekadooda balse madaxtooyada Faransiiska ee Élysée Palace ayaa sheegtay in labada hoggaamiye ay muddo shan daqiiqo ah wada-hadleen, islamarkaana Macron uu Amiirka u gudbiyey farriin adag oo ku saabsan dilka weriye Jamaal Khaashuqji iyo inuu xal u helo dagaalka Yemen.Hoos ka daawo muuqaalka




SOURCE: Daawo Video laga duubay Macron oo Maxamed Bin Salmaan siinaya digniin

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.