Daawo Video: Taliye Zakiya oo war cusub kasoo saartay howl-gallada Muqdisho

0
73

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ay faah-faahin ka bixiyeen howlgalladii ugu dambeeyey oo ciidamada Booliska Soomaliyeed ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan Magalada Muqdisho iyo dilkii Maanta loo geystay Darawal Mooto Bajaajle ahaa.Taliye ku-xigeenka labaad Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto  Zakiya Xuseen Axmed oo shir jaraa’id ku qabatay Magalada Muqdisho, ayaa sheegtay in howlgalladii ugu dambeeyey ee laga fuliyey Muqdisho ay Ciidamada Amniga kusoo qabteen dad lala xiriirnayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.Waxaa sidoo kale ay intaasi ku dartay in shalay gelinkii dambe ay Ciidamada Ammaanka degmada Deeyniile ku qabteen Nin ka tirsan Al-Shabaab oo dilay askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda sida ay hadalka u dhigtay.Sidoo kale waxa ay soo hadal qaaday dilkii askari ka tirsan Ciidamada kuwa Canshuurta qaada ee Minashiibiyada uu Muqdisho ugu geystay Darawal Mooto Bajaajle ahaa, waxana ay sheegtay in askarigaas cadaalada la horkeeni doono.Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay Muqdisho ka wadeen howlgallo xoogan, waxaana sidoo kale xiran inta badan degmooyinka Gobolkan Banaadir.Hoos ka aawo Taliye Zakiya




SOURCE: Daawo Video: Taliye Zakiya oo war cusub kasoo saartay howl-gallada Muqdisho

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.