Daawo Video: Yariisow oo weerar afka ah ku qaaday xildhibaanada mucaaradka

0
188

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa weerar afka ah ku qaaday xildhibaanada baarlamaanka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in haddii maalintii jimcaha orodkii Gaabnaa ee lagu qabtay magaalada Muqdisho ay ka qeyb gali lahaayeen xildhibaanada iyo siyaasiyiinta mucaaradka, inaysan dhici laheyn waxii ka dhacay Sabtidii xarunta baarlamaanka.Wuxuu sheegay in BUUQA ama Stress-ka uu ka dagi lahaa xildhibaanada baarlamaanka haddi ay ka qeyb gali lahaayeen orodka Jimcihii lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasi oo wasiiro iyo xubno kale ay goob ka ahaayeen.Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa wuxuu sheegay in dalkaan looga baahan yahay xasilooni siyaasadeed, islamarkaana siyaasiyinta laga doonayo inay ogaadaan in Amniga dalka uu yahay kaalinta koobaad oo aan laga gorgortami karin.Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Siyaasiyiinta uu kala Shaqeyn doono sidii loo heli lahaa xasilooni Siyaasadeed si amniga dalka uu u hagaago, isaga oo cadeeyay in loo baahan yahay in laga fogaado waxyaabaha qalqal gelin kara amaanka dalka.Oradkii gaabnaa ee Jimcihii lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo if baxday Musuq maasuq lagu sameeyay qaar kamid ah dadka ka qeyb galay, waxaana Maryan Nuux oo ka qeyb gashay Orodka ay shaacisay in gabdho gaadiidka dagaalka lagu qaaday ay kaalmaha koowaad iyo labaad ka galeen, taasi oo markii dambe la xaliyay, sida ay sheegtay.Xildhibaanada baarlamaanka ayaa Sabtidii buuq badan ka dhaliyay kulankii golaha shacabka, kadib markii warbaahinta cod loo qaaday ay qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ku qanci waayeen Natiijada uu shaaciyay guddoomiye Mursal.Xildhibaano badan ayaa doonayay in warbaahinta ay goobjoog ka ahaato kulankii ay wasiirada iyo taliyaasha ciidamada kula xisaabtami lahaayeen, waxaana kadib buuq badan dib loo dhigay kulankii xildhibaanada.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Daawo Video: Yariisow oo weerar afka ah ku qaaday xildhibaanada mucaaradka

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.