Daawo: Xisaabiye kashifay musuq-maasuq baahsan oo uu lugaha kula jiro Gaas

0
265

Garoowe (Caasimada Online) – Xisaabiyihii Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland u qaabilsan Gobolka Mudug, Barkhadle Aadan Muuse, ayaa ku dhawaaqay maanta oo Axad ah inuu iska-casiley xilkii uu ka hayay Wasaaradda.
Isagoo ka hadlayay Shirka Jaraa’id oo uu ku qabtey magaalada Gaalkacyo, ayuu Barkhadle uga hadlay sababaha ku kalifay inuu shaqada, oo uu ku sheegay caqabado iyo cadaadis xooggan oo uu kala kulmay Wasiirka Maaliyadda Puntland, Cabdullaahi Saciid [Caarshe].
Cadaadiska iyo caqabadaha ayuu sheegay inuu la kulmay markii ay isku qabteen Wasiirka arrimaha maaliyadda iyo canshuuraha gobolka Mudug laga qaado, oo Wasiirka Maaliyadda ku sameeyo sida uu sheegay musuq-maasuq iyo wax-daba-marin, taasi oo isaga ku kaliftay inuu is-casilo.
Barkhadle ayaa sheegay in markii uu Wasiirka markuu shaqada la wareegay August, 2017 inuu u yeeray 15-kii Septemper, 2017-kii oo isaga iyo xogheyntiisa ay shir gaar ah wada qaateen, kaasi oo halkii uu ka filyay kicin dhiira-gelin iyo guugaabo kala kulmay dalab dantiisa shaqsiyadeed ku qotama.
“Wasiirka wuxuu iga codsaday Wasiirku in bil walba maadaama uu kharash badan qabo uu hoteello iyo guryo badan degan tahay aan siiyo 10-kun oo Dollarka Mareykanka siiyo, in khasarshka aan aniga soo dalbo, isaguna ansixiyo, Wasiirka waxaan ku iri gobolka aan aniga kasoo jeedo dhaqaalihiisa wuu yar yahay, anigana lacagtaa ma awoodo, arintaasina waa ku kala tagnay,” ayuu yiri Barkhadle.
Xisaabiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in markii uu ka biyo diiday dalabka wasiirka ee ah in ku gacan siiyo musuq-maasuqa billaabey inuu gobolka uu kasoo jeedo ee Mudug dhanka dhaqaalaha kala diriro, oo canshuurihii laga qaadi jiray Hay’adaha, Qandaraasyada iyo kuwa xoolaha lagu qaado gobollada kale, gaar ahaan Garoowe.
Wuxuu hadalkiisa intaasi ku daray in markii uu arkay curyaaminta iyo musuq-maasuqa uu wado Wasiirka Maaliyadda uu u tagey Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas”, balse uu kusoo hungoobey, oo waxba laga qaban waayay musuq-maasuqa ka jira hanaanka canshuuraha gobolka Mudug.
“Wixii markaas ka dambeeyay, wasiirku wuxuu bilaabay inuu gobolka Dhaqaalaha oo dhan kala dagaalamo, taasoo aan kala xiriiray isaga iskuna deyay inaan wax ka qabto, laakiin aysan ii suura-gelin, xitaa Madaxweynaha ayaan kala hadlay, waxna ma uusan ka qaban,” ayuu raaaciyay hadalkiisa.
Isagoo sii hadlaya ayaa daboolka ka qaaday in xitaa Wasiir Caarshe uu musuq-maasuqay Qandaraas lagu dhisayey Kastamka Laanta Dusmada ee Galkacayo, islamarkaana ku baxeysay $87,000 [Sideetan iyo Tobo Kun oo Doolarka Mareykanka] laakiin Wasiirku u gudbiyay dowladda 194 kun oo Dollar.
Barkhadle ayaa sheegay in lacagta lagu dhisay Kastamka uu markii uu dabagal ku sameeyay, oo uu la kulmay Ninkii Qandaraaska qaatey kaasi oo u xaqiijisay in la siiyay 87-kun oo Dollar, inta kale oo gaaraysa $7,000 aysan waxba kala socon, oo wasiirka wax laga waydiinayo.
“Markii aan arkay in aysan dhameyn, oo aan weydiiyay qolada qandaraaska la siiyay, waxay ii sheegeen kaliya iyaga loo dhiibay 87 Kun, lacagta kale la weydiinayo Wasiirka; wayna cadahay inuu isaga qaatay, qof walbana wuu ogyahay,” ayuu daba dhigay.
Mas’uulkan ayaa sidoo kale xusay in bishaan 16-keeda uu mar kale Wasiirka ugu yeeray Garoowe, islamarkaana uu u sheegay inuu ka doonayo 53 kun oo Dollar, oo uu sheegay in la siinayo Guddiga Dhaqaalaha ee Baarlamaanka Puntland si loogu meel-mariyo Wasaaradda Xisaab xirka.
Lacagta la waydiiyay ayuu sheegay inuu Wasiirka u sheegay inay tahay mid uu ka qaadayo dhamaan Xisaabiyaasha Guud ee gobollada kale ee Puntland, taasi oo cadeyn u ah heerka uu hadda gaarsiisan yahay Musuq-maasuqa dowladda Cabdiweli Gaas.
Laakiin, Barkhadle oo ay ka go’dayd inuu ka fogaado Musuqa ayaa wuxuu mar kale sheegay inuu ka biyo diiday arrinkaas, islamarkaana uu si cad ugu sheegay Wasiirka in uusan awoodin inuu “mac-siyo” intaas la eg sameeyo, oo indhahana ka fiirsado.
“Anigoo aan Daraawiishta siinin wax mushaar Todoba bilood; inagoo aan Mushaar siinin Booliska muddo Shan bilood ah; iyadoo adeegyadii aasiga ahaa wax laga qaban, waxaan usheegay in aan ku bixin karin mac-siyadda intaas la eg; Madaxeynaha waan u sheegay waxba waa ka qaban waayey.” ayuu ku nuux-nuux saday.
Sikastaba, Barkhadle wuxuu si cad u yiri in kadib markii uu dareemay in arrimuhu ay yihiin kuwa “leysla ogyahay” islamarkaana Madaxweyne Gaas uu wax badan kala socdo uu go’aan saday inuu iska casilo xilkii uu uhayey Shacabka gobolkiisa, oo uu ugu baaqay inay ka dhiidhiyaan boobka ku socda lacagta laga qaado.
“Lacagta laga qaado dadka masaakiinta ah, waa lagu tagri fashaa, sida la doona ayaa laga yeeshaa, sidii loogu talagay lagumana bixiyo, Shacabka Puntland, waxaan leeyahay midaas waa inay ka dhiidhiaan,” ayuu ku daray hadalkiisa Xisaabiyaha.
Dhanka kale, mar uu si gaar ah u dul-istaagay Dekada Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ee Barri wuxuu afka ku balaariyay in kaliya afartii bilood ee kala ahaa, Janaayo, Febraayo, Maarso iyo Abriil ay kasoo xarootay lacag dhan 54 Milyan oo Dollar.
“Been ma ahan waa xaqiiqo, iyadoo Dukmintiri ah ayaan rabaa inaan saxaafadda usoo bandhigo…54-taas Milyan, miisaaniyada Puntland loogu talagay bishii waa Lix Milyan, sanadkii marka si nadiif ah wax loo bixiyo waa 72 Milyan. Afar bilood oo kamid taasi waa soo xarootay saddex meelood labo, lacagtaas [54 Milyan] saddex bilood gudaheeda waxaa baxday 53 Milyan, magaca ugu badan ee lagu bixiyay waa ciidamada, waana been way ku dul-man yihiin ciidamadda waxba lama siiyo,” ayuu shaaca ka qaaday Barkhadle.
Ugu dambeyn, Xisaabiyaha is-casilay ayaa wuxuu farta ku fiiqay in dhamaan madaxda Wasaarada Maaliyadda, oo ay ku jiraan Agaasimayaasha Dekadaha Puntland, marka laga reebo Xisaabiyaha Guud iyo ku xigeenkiisa, ay yihiin intuba koox isku xiran oo “maalin walba usoo shaqo taga inay boobaan Hantida laga qaado Shacabka masaakiinta ah ee Puntland”.
Balse, Warqad kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Maaliyadda 17-kii bishan ayaa lagu sheegay in shaqada laga eryay Xisaabiyihii hore gobolka Mudug kahor inta uusan maanta Saxaafadda uu sheegay inuu isaga is-casiley xilka.


Xigasho: Garowe Online




READ MORE FROM THE SOURCE: Daawo: Xisaabiye kashifay musuq-maasuq baahsan oo uu lugaha kula jiro Gaas

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.