Daawo;Wasiir Ducale “Ma aqbaleyno banaan baxyada Facebook laga abaabulayo “

0
91

jowhar Somali News Leader
Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow `ayaa sheegay in dowlada aysan aqbalaynin banaanbaxyada laga soo abaabulo baraha bulshada sida Facebook.
Maxamed Abuukar Islow Wasiirka Amniga oo la hadlayay qaar ka mid ah dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dadka Muqdisho lagu marin habaabinayey in banaanbax uu ka dhacayo Muqdisho taasina aan waxba ka jirin.
“Nabadiina ka shaqeysta annagana har iyo habeen waxaan nafteena u hureyno in amniga laga shaqeeyo.”ayuu yiri Wasiirka Amniga Ducaale.
Ugu dambeyntii ayaa wasiirka Amniga waxa uu ka dalbaday Shacabka ku nool magalada Muqdisho inay laamaha amniga kala Shaqeeyaan sugida Amniga caasimadda.
Halkan hoose ka daawo qeyb ka mid ah qudbada Wasiirka Amniga;

 
The post Daawo;Wasiir Ducale “Ma aqbaleyno banaan baxyada Facebook laga abaabulayo “ appeared first on Somali News Leader.




SOURCE: Daawo;Wasiir Ducale “Ma aqbaleyno banaan baxyada Facebook laga abaabulayo “

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.