Dad ugu dhintey cudur aan la aqoon deegaano ka tirsan Hirshabelle

0
41

jowhar Somali News Leader
Wararka ka imanaya deegaan ku yaal xadka kala qeybiya gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa sheegaya in lix ruux ay u dhinteen 12 kalana uu soo ritey cudur aan la garaneyn oo ku dhacay qoysas xoolo dhaqato ah.
Cudurkan ayaa la sheegay in qofka uu soo rito uu si dhaqso ah u dhimanaya waxaana dadka u dhintey ay isugu jireen labo haween ah oo walaalo ah iyo labo carruur ah oo ay dhaleen iyo labo ruux oo kale oo ay haweeney da’ ah kamid ahayd.
12 ruux oo isla qoyska ka soo jeeda ayaa la sheegay in loola soo cararay magaalada Muqdisho halkaas oo lagu baarayo.
Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dowlada federalka oo ku saabsan cudurkan aan la garanayn oo lagu arkay qoysas ku nool deegaano ka mid ah Hirshabelle.
The post Dad ugu dhintey cudur aan la aqoon deegaano ka tirsan Hirshabelle appeared first on Jowhar.




SOURCE: Dad ugu dhintey cudur aan la aqoon deegaano ka tirsan Hirshabelle

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.