Dadweyne bilaabay inay lacagahooda kala baxaan shirkadaha Forex ee Muqdisho

0
35

Dadkii lacagaha dhigtay shirkadaha Forex ee magaalada Muqdisho ayaa qaarkood bilaabay inay lacagahooda ka qaataan shirkadaasi, kadib dhacdooyin dhowr ah oo cabsi xooggan abuuray.

Xarumaha shirkadahan ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho ayaa saddexdii maalmood ee tagay,  waxaa buux dhaafiyay boqolaal dadweyne ah, kuwaasi oo doonaya inay helaan lacagihii ay u dhiibteen shirkadahaasi.

Go’aankii uu soo saaray Bankiga Dhexe ee dalka oo amray Bankiyada gaarka loo leeyahay inay xiraan akoonada shirkadaha Forex, ayaa la rumeysan yahay inuu sababay kalsooni darrada ku timid shacabka lacagaha dhigtay.

Maalmihii dhowaa ayaa waxaa usoo xoogeystay dadka ka
cabanaya in loo been sheegay, iyadoo lacago badan looga qaatay inay helayaan
faa’iido xad dhaaf ah, balse markii dambe aysan dhicin, sida uu sheegay Guddoomiyaha
Bankiga Dhexe.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin wax
ogolaansho ah oo Bankiga uu u siiyey shirkadahan inay ka ganacsadaan sarrifka
lacagaha, taasi oo ah shaqada Bankiga Dhexe inuu la socdo.

Mid ka mid ah dhalinyarada lacagta ku darsaday shirkad Forex, ayaa sheegay inuu si deg deg ah u dalbaday lacagtiisa inuu la baxo, maadaama uu sheegay inuu ka cabsaday in lagala goosto lacagtiisa.

Sharciga Shirkada Forex ee Muqdisho ka shaqeeya ayaa qaba
qofka marka uu doono inuu la baxo lacagtiisa wuxuu sugayaa 10 cisho oo ka
bilaabanaysa maalinta uu qoro warqada lacag la bixista.

Ganacsiga Forex ayaa horey loo sheegay inuusan bannaaneyn diin ahaa, sida ay fatwoodeen qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed.

Culimada oo isugu timid masjidka Abuu Hurayra ee magaalada
Muqdihso, ayaa shaaciyay xukunka dhinaca diinta ee dadka islaamka ah kaga aadan
shirkaddahan ay sheegeen iney ku shaqeystan sarifka Online-ka ee Forex, waxaana
ay tilmaameen inuu yahay ganacsi ku dahaaran ‘been abuur iyo ribo’ iyagoo usoo
qaatay Axaadiith iyo Aayado kamid ah Quraanka Kariimka.




SOURCE: Dadweyne bilaabay inay lacagahooda kala baxaan shirkadaha Forex ee Muqdisho

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.