Dagaal beeleed dad badan ku dhinteen oo ka dhacay deegaano ka tirsan Maxaas

0
267

Wararka ka imaanaya degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay labo beelood uu shalay illaa xalay ka dhacay tuulooyin hoos yimaada Maxaas.
Sida wararku sheegayaan dagaalkan ayaa salka ku haya aano qabiil, waxaana dagaalka labada beelood dhex maray ku dhintay in ka badan 10 ruux.
Guddoomiyaha degmada Maxaas Maxamed Cabdi Cawaale ayaa xaqiijiyay in dagaalka labada beelood u dhaxeeyay ay dad fara badan oo gaaraya 15 ruux ku dhinteen, halka tiro ku dhow 30 kale ku dhaawacmeen.
Wararka ayaa sheegaya in dhaawacyada la kala geeyay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud iyo degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay maamul goboleedyada labada dhinac inay ka qeyb qaataan joojinta dagaal beeleedyadan oo saameyn ku yeeshay tuulooyinka hoos-yimaada degmada Maxaas.
Dagaal beeleedyada ka dhaca gobolada dalka ayaa salka ku haya aanooyin qabiil iyo murano dhul iyo arrimo kale oo khilaafaad sababa uu ka dhasho dagaal gacan ka hadal ah.
The post Dagaal beeleed dad badan ku dhinteen oo ka dhacay deegaano ka tirsan Maxaas appeared first on Jowhar Somali News Leader.




SOURCE: Dagaal beeleed dad badan ku dhinteen oo ka dhacay deegaano ka tirsan Maxaas

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.