Dagaal beeleed ka qarxay deegaanka Jawiil ee gobolka Hiiraan

0
17

Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal uu barqanimadii maanta ka dhex qarxay maleeshiyo beeleed degen gobolka Hiiraan.
Dagaal ayaa ka qarxay deegaanka Mareero oo hoostaga degmada Jawiil ee Gobolka Hiiraan,kaas oo u dhaxeeye laba maleeshiyo Beeleed.
Wararka haatan naga soo gaaraya deegaanka uu dagaalka ka socdo ayaa waxaa ay sheegayaan in uu jiro qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo  kala gaaray.
Dagaalka Maleeshiyo beeleedyada dhex  maray ayaa  waxaa salka uu ku hayaa lahaanshah dhul beereed ku yaal deegaan hoos taga Jawiil.
Dagaalada la isu adeegsado hubka salkana ku haya  lahaanshaha dhul beereedka ayaa ah ku soo noqnoqda deegaano ka tirsan Hirshabelle.
The post Dagaal beeleed ka qarxay deegaanka Jawiil ee gobolka Hiiraan appeared first on Jowhar Somali Leader News.




SOURCE: Dagaal beeleed ka qarxay deegaanka Jawiil ee gobolka Hiiraan

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.