Dagaal goor dhow ka bilowday deegaan ka tirsan gobolka Sanaag

0
241

jowhar Somali News Leader
Wararka ka imanaya deegaan ka tirsan gbolka Sanaag ayaa sheegaya inuu ka qarxay dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamo uu hoggaaminayo Kornel Saciid Cawil Jaamac Caare iyo kuwa ka tirsan maamulka Somaliland.
Dagaalkan ayaa ka bilowday deegaanka deegaanka Dhoob oo ka tirsan gobolka Sanaag oo qiyaastii 45 KM u jira magaalada Ceeri Gaabo.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu yahay mid aad u xoogan oo la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.
Illaa iyo hadda lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalkan iyadoo uu dagaalkana ku soo beegmay xilli uu maamulka Somaliland uu ku soo rogay bandow.
The post Dagaal goor dhow ka bilowday deegaan ka tirsan gobolka Sanaag appeared first on Jowhar.




SOURCE: Dagaal goor dhow ka bilowday deegaan ka tirsan gobolka Sanaag

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.