Dagaal hub culus leysu adeegsanaayo oo ka socda Deg/ Xarardheere & Khasaaro xoogan oo ka dhashay

0
341

Garoowe (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka qarxay degamda Xarardheere ee Gobolka Mudug.
Dagaalka oo aad u xoogan ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu u dhexeeyo dadka deegaanka iyo maleeshiyaadka xagjirka ah ee Al-Shabaab.
Dagaalka oo weli socda ayaa yimid kadib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay dadkaasi weeydiiyeen dhalinyaro ka barbar dagaalanta hase yeeshee waxaa arrintaasi ka hor imaaday dadka deegaanka ku ah Xarardheere.
Dadka ku nool Xaafadaha degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa soo sheegaya in dagaal uu yahay mid leysu adeegsanaayo Hubka aadka u culus.
Inta la ogyahay dagaalka hadda socda ayaa waxaa ku dhintay ilaa Shan ruux oo labada dhinac ah, halka dhaawaca uu kor u dhaafayo afar, waxaana xusid mudan in dagaalka uu weli yahay mid socda.
Dhinaca kale, dhinacyada uu dagaalka u dhexeeyo ayaa kala qabsaday Hub iyo gaadiid waxaana dagaal soo qaaday maleeshiyaadka oo dhowr gaari watay.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Dagaal hub culus leysu adeegsanaayo oo ka socda Deg/ Xarardheere & Khasaaro xoogan oo ka dhashay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.