Dagaal Ka Dhacay Jubbada Hoose

0
285

Dagaal xooggan oo u dhaxeeyey ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Jubbaland iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa ka dhacay deegaanka Muuse Xaaji oo ku dhow deegaanka Araare eee gobolka Jubada Hoose.
Dagaalkan ayaa bilowday gabaldhacii shalay, wuxuuna soo gaaray illaa xalay fiidkii, iyadoo la sheegay in halkaasi khasaare kala duwan uu ka dhashay.
Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka iyo Jubbaland oo ka baxay deegaanka Baar Sanguuni islamarkaana sahan ahaa ayaa la xaqiijiyey iney jidka u galeen dagaalyahanno badan oo Al-shabaab ah.
Inta la xaqiijiyey waxaa dagalkaasi ku dhimatay in ka badan 15 qof oo dhinacyadii dagaallamay ah, iyadoo dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay.
Saraakiil u hadashay Jubbaland ayaa sheegay iney dileen dagaalyahnno Al-shabaab oo gaaraya 20, halka Al-shabaab dhankooda ay guullo sheegteen.
Xaaladda halkii lagu dagaallamay ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ay wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News




READ MORE FROM THE SOURCE: Dagaal Ka Dhacay Jubbada Hoose

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.