Dagaal Ka Socda Degmada Qoryooley Ee Sh/hoose

0
149

Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa inuu ka socodo degmada Qoryooley ee Sh/hoose.
Al-shabaab ayaa weerar lama filaan ah ku qaaday degmadaasi, waxaana ay iska caabin kala kulmayaan ciidanka xoogga dalka ee halkaasi ku sugan.
Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan, hase ahaatee waxay Labada dhinac isku adeegsanayaan rasaas aad u culus.
Waxaa jirta rasaas habow ah oo ku dhaceysa meello ka baxsan halka dagaalka uu ka socdo, laakiin lama oga khasaaraha ay geysteen.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News




READ MORE FROM THE SOURCE: Dagaal Ka Socda Degmada Qoryooley Ee Sh/hoose

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.