DAGAAL: Kooxaha Chelsea & Man United Oo Ku Dagaalamaya Saxiixa Xidigii Diirada U Saarnaa Real Madrid, Bayern Munich Iyo PSG Ee Christian Eriksen

0
77

Xidiga xulka qaranka Denmark iyo kooxda Tottenham ee  Christian Eriksen ayaa ka mid ah ciyaartoyda khadka dhexe ee horyaalka Premier league ugu fiican laakiin waxa uu diiday in uu wax heshiis cusub ah u saxiixo kooxdiisa Tottenham isaga oo doonaya in uu ku biiro mid ka mid ah kooxaha Yurub ugu waa wayn.
Laakiin kooxaha Manchester United iyo Chelsea ayaa Real Madrid kula tartamaya saxiixa  Christian Eriksen kaas oo uu Florentino Perez hore ugu bartilmaameedsanayay in uu noqdo badalka tooska ah ee Luka Modric laakiin warar soo baxay ayaa sheegaya in Man United iyo Chelsea ay dagaal ku gali doonaan saxiixa Eriksen.
Kooxaha Bayern Munich iyo Paris Saint-Germain ayaa sidoo kale qayb ka ahaa tartanka loogu jiro saxiixa  Christian Eriksen waxayna hadda u muuqataa in Eriksen uu isku keenay quwadihii kubbada cagta ugu waa waynaa ee Yurub kadib markii uu muddo sanad ah wax heshiis ah la gaadhi waayay Tottenham.
Gudoomiyaha kooxda Tottenham ee Daniel Levy oo lagu bartay wada xaajoodka adag ee uu kooxaha dhibaatada badan ugu abuuro ayaa la sheegay in uu madaxa  Christian Eriksen dul dhigay 250 milyan yuro kadib markii ay Barcelona dhawaan 86 milyan yuro ka bixisay da’yarkii kooxda Ajax ee Frenkie De Jong.
Wargayska Daily Express ayaa shaaciyay in dagaal dalabyo ahi uu Manchester United iyo Chelsea ku dhex mari doono saxiixa Ereksen kaas oo heshiiskiisa Tottenham uu hal sano oo kaliyi ka hadi doono dhamaadka xili ciyaareedkan.
Christian Eriksen ayaa kooxdiisa Tottenham todobaadkii mushaar ahaan uga qaata £75,000 kun oo gini wuxuuna ka hooseeyaa xidigaha ay isku kooxda yihiin isla markaana uu lugtiisa ku quudiyo ee Dele Alli iyo Harry Kane kuwaas oo saxiixay heshiisyo cusub oo ay todobaadkii ku qaataan £200,000 kun oo gini.
Laakiin waxay hadda u muuqataa in Christian Eriksen uu albaabka u furay dagaal wayn oo ay kooxaha Yurub ugu waa wayn adeegiisa ugu dagaalami doonaan dhamaadka xili ciyaareedkan isaga oo bisha June ee soo socota kadib gali doona sanadkii ugu danbeeyay ee heshiiskiisa Spurs.
Chelsea ayaa raadinaysa xidig ay badal uga dhigato Cesc Fabregas oo bishan January ku biiray kooxda Monaco halka Manchester United ay dagaal ugu jirto in ay dib u habayn wayn kooxdeeda ku samayso kadib dhibaato badan oo ay soo martay.
The post DAGAAL: Kooxaha Chelsea & Man United Oo Ku Dagaalamaya Saxiixa Xidigii Diirada U Saarnaa Real Madrid, Bayern Munich Iyo PSG Ee Christian Eriksen appeared first on Latest football news.




SOURCE: DAGAAL: Kooxaha Chelsea & Man United Oo Ku Dagaalamaya Saxiixa Xidigii Diirada U Saarnaa Real Madrid, Bayern Munich Iyo PSG Ee Christian Eriksen

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.