Dagaalka dhaqaale ee ka dhanka ah Turkiga

0
202

Dagaal dhaqaale oo saf ballaaran ayuu Maraykanku ku soo qaaday dunida inteeda kale. Dagaalkan wuxuu si ba’an u saameeyey dhaqaalaha Turkiga waxaana hoos-u-dhac aad u weyn ku yimid Liiraha Turkiga.

Toddobaadkii hore, warbaahinta dunida, kuwa gudaha, indhaha shacabka Turkida ah, iyo guud ahaan caalamkuba waxay ahaayeen kuwo ku foogan suuqyada sarrifka lacagaha qalaad ka dib markii hoos u dhac ku yimid qiimaha sarrifka lacagta Liiraha Turkida (TL); deggenaan la’aanta sarrifku waxay keentay jahawareer iyo welwel shacabku ka qaaday mustaqbalka dhaqaalaha waddanka jeer goor danbe Madaxweyne Erdogan ugu baaqay shacabka inay isdejiyaan, ayna ka guuleysan doonaan dagaalkan dhaqaale ee lagu soo qaaday.

Sannadkii 2013 Turkiga waxaa ka dhacay dibadbax aad u ballaaran oo lagaga soo horjeeday hab maamulka Madaxweyne Erdogan, tan iyo wixii intaa ka danbeyay, xiriirka Turkiga iyo reer galbeedku ma ahayn mid wanaagsan, waxa uu ku jiray sabbayn oo hadba dan waqtiyaysan ayaa isu keeneysay labada dhinac. 24’kii Juun isla sannadkan, shacabka Turkigu waxay u dareereen goobaha  codbixinta iyaga oo mar kale dib u doortay Madaxweyne Erdogan. Dib u doorashada Erdogan waxay welwel kusii abuurtay waddamo badan oo reer galbeed ah waayo Erdogan wuxuu yeeshay awood ka badan intii hore.

Labadii sanno ee u danbeysay, dhaqaalaha Turkigu wuxuu la ciirciirayey daynta shirkadaha, sicirbarar, iyo arrimo kale, iyadoo ay sidaa jirto aya Maraykanku sii tukhuntukheeyey. Hoos-u-dhaca waxaa keenay dagaal dhaqaale oo Maraykanku ku soo qaaday Turkiga. Haddaba, maqaalkan waxaan ku faaqidi doonaa dagaalka dhaqaale ee Turkiga iyo Maraykanka u dhexeeya, waxa sababay hoos-u-dhaca lacagta Turkiga, siyaasadda ay dawladda ku waajahday iyo saamaynta arrintani ku yeelan karto dunida inteeda kale gaar ahaan Soomaaliya.

Halkee ayuu ku xiran yahay dhaqaalaha Turkigu?

Dhaqaale ahaan,Turkiga wuxu kamid yahay wadamada hormaray, sido kale waa mid kamid ah wadamada ugu koriimada badan xaga dhaqaalaha, Bankiga adduunka wuxu saadaaliyay in sannadkan 2018 dhaqaalaha Turkiga kor u kici doono 4.7%.

Inta badan Turkiga wuxu dhaqaalahiisa ku tiirsanyahay xaga dalxiiska. Sannadkan 2018, waxa la filayaa in tirada dalxiisayaasha soo booqan doonto Turkiga ay gaarto 40 milyan.

Turkiga isku filnaansho dhaqaale oo buuxdo wali ma gaarin, gaar ahaan xaga warshadaha, tiknoolojiyada iyo soo saarista gaaska dabiiciga ah. China, Germany, Russia, US iyo Italy ayaa ah wadamada ugu badan ee wax laga soo dajiyo(Import). Dhanka kale, dhaqalaha Turkiga waxa doowr weyn ka cayaaro dhoofinta dharka, cuntada, soo saarista birta iyo qalabka gaadiidka lagu farsameeyo gudaha Turkiga, wuxuuna inta badan u dhoofiyaa wadamada kal ah: Germany, UK, Iraq, Italy, US, France iyo qaarkale oo badan

Maxaa keenay hoos-udhaca Liiraha

Tan iyo markii madaxweyne Donald Trump xilka qabtay, dunida waxay wajahday khalkhal maaliyadeed, taa oo loo aaneynayo sarre u qaadida maraykanka ee lacagta dulsaarka, sarre u qaadista canshuuraha alaabaha la keeno Maraykanka iyo guud ahaan siyaasadiisa dhaqaale ee ku wajahan dunida inteeda kale.

Sannadkii u danbeeyey dhaqaalaha Turkiga wuxu ahaa mid sabbeynayey, waxaana laga dareemayey hoos-udhac aad u balaaran, waayo dhaqaalaha Turkiga wuxuu la ciirciirayey daynta shirkadaha, sicirbarar, iyo arrimo kale.  iyadoo ay sidaa jirto aya Maraykanku sii tukhuntukheeyey. Hoos-udhacan wuxu saameyn weyn ku yeeshay shirkaddaha iyo bankiyada waa weyn ee Turkiga ka howl-galo. Waayo, shirkadahan waxay deymo ku qiimeysan dollar kasoo qaatan dibadda Turkiga. Tusalle ahaan shirkad caalami oo Turkiga ka howl gasho aya $100 deyn ahaan dibadda kaso amaahatay si ay ugu maalgeliso Turkiga. Marka ay amaahda dibadda soo qaadanaysay $100 wuxu u dhigmay 3.90 Liraha Turkiga, balse marka ay isleedahay deyntii aad soo qaadatay dib u celi $100 wuxu la qiimo noqday 650 liraha Turkiga. Qiyaas ahaan 80% ayay khasaaraysaa shirkadan, waxaana ku adkaanayso inay dib isaga bixiso deyntii ay soo qaadatay. Tanni waxay keentay in bankiyada iyo shirkadaha caalamiga ee Turkiga ka howl gala welwel badan muujiyaan, qaarkoodna kala baxaan lacagaha u yaalo Turkiga maadama dhaqaalaha Turkiga cago badan ku fadhinin.

Iyadoo ay sidaa jirto aya dhaqaaloyahanno badan ku sifeeyeen in arrintan ay tahay mid xiriir la leh siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan Turkiga oo sannadahii u danbeysay ahayd mid aad u hooseyso.

ka dib Afgembigii dhicisoobay ee labo sano ka hor ka dhacay Turkiga, xiriirka labada dal wuxu ahaa mid aad u hooseeya. Turkigu wuxuu afgembigaa fashilmay ku eedeeyey wadaad asalkiisa Turkiga ah oo ku nool Maraykanka, wuxuuna codsaday in loo soo gacangeliyo, halka Maraykanku uusan waxba ka soo qaadin codsigii Turkiga.  

Dawladda Turkigu, markii ay ku badatay munaafaqadda reer galbeedka, waxay xiriir siyaasadeed iyo mid dhaqaale la yeelatay Ruushka iyo Iiraan— wuuna diiday in uu ka qaybqaato cunaqabataynta dhaqaale ee lagu soo rogay Iiraan. Turkigu wuxuu qorshaynayaa in uu Ruushka ka soo iibsado nidaamka difaaca gantaallada riddada dheer ee S-400, halka reer galbeedku ay ka xun yihiin in waddan ka tirsan NATO heshiis noocaas ah uu la galo Ruushka. Waxaa sidoo kale la isku hayaa sidii loo wajahi lahaa guud ahaan xaaladda Suuriya.

Iyada oo ay arrintan jirto ayaa dawladda Turkigu Oktoobar 2016 waxay xirtay wadaad masiixi Ameerikaan ah oo la yiraahdo Andrew Brunson. Waxaa ninkan lagu eedeeyey jaajuusnimo iyo inuu gacansaar la lahaa kooxdii ka dambaysay afgembigii fashilmay 2016’kii. Dawladda Maraykanku waxay codsatay in wadaadkan la sii daayo haddii kale Turkigu la kulmi doono cawaaqib xumo. Turkigu wuu ka dhego-adaygay baaqii Maraykanka wuxuuna sheegay in hay’adaha garsoorka Turkigu ay yihiin kuwo madaxbannaan oo aan dibadda wax looga yeerin karin.

Dhawr maalmood ka dib dawladda Maraykanka ayaa xayiraad dhaqaalle ku soo rogtay Wasiirrada caddaaladda iyo Arrimaha Gudaha ee Turkiga, waxayna xannibtay dhaqaalaha ka yaalla Maraykanka. Dawladda Turkigu iyada oo ka jawaabaysa arrintaas ayay sheegtay in iyadu xayiraad dhaqaalle kuso rogtay Xoghayaha Caddaaladda iyo Arrimaha Gudaha ee Maraykanka. Arrintan ayaa keentay in hoos-u-dhac ba’an uu ku yimaaddo lacagta Liiraha ee Turkiga.

Dawladda Turkigu waxay isku dayday inay la timaaddo siyaasad dhaqaale oo arrintan wax looga qabanayo, balse dawladda Maraykanka ayaa mar kale cashuurta ku kordhisay alamiiniyamka iyo birta Turkidu u dhoofiyaan Maraykanka. Taasi waxay keentay in sicirbararku uu gaaro 15%, suuqa saamiyada Turkiguna wuxuu hoos u dhacay 17%, liirahana waxaa ku yimid hoos-u-dhacii ugu ballaarnaa tan iyo markii AKP xilka qabteen sannadkii 2002’dii.

Sidee Turkida ugu falceliyeen hoos-udhaca liraha

Xukuumadda Turkiga waxay qaaday tallaabooyin dhowr ah si ay xal kama danbeys ah ugu gaarto hoos-udhaca ku yimid liraha Turkiga. Bangiga Dhexe ayaa wacad ku maray in ay bangiyada siinayaan lacago kab ah haddii ay u baahdaan.. Sido kale, wasaaradda warshadaha ayaa ku dhawaaqday in $ 1.2bn ay ku bixineyso kor u qaadka wax soosaarka warshadaha Turkiga. Wasaarada ganacsiga waxay soo bandhigtay qorshe ah inay hoos u dhigaan qiimo kororka ascaarta, sido kale wuxu sheegay in Turkiga isku dheelitiri doono dhoofinta (expoert) iyo alaabaha dibadda kaga yimaado (import). Sido kale, wasiirka maaliyada Berat Albayrak aya kulan weyn la qaatay ganacsatada ugu waa weyn wadanka si loo dhageysto cabashadooda, maalgashina ugu sameeystaan Turkiga.

Madaxweyne Erdogan, waxay u noqotay fursad uu ku kiciyo dadkiisa, wuxuuna indhaha shacabka ku jeediyay reer galbeedka. Hoos-udhaca liraha wuxu dusha kaga tuuray Maraykanka isagoo sheegay in Turkiga lagu soo qaaday dagaal dhaqaale oo aad u weyn, loona baahanyahay in si wadajir looga hortago, Madaxweynaha wuxu shacabka ugu baaqay inay u hiiliyaan qarankooda, cid walbo oo hal dollar haysato wuxu ugu baaqay inay u beddelaan lacagta liraha si lacagta Turkida awood u yeelato.

Erodgan wuxu shacabka Turkida ugu baaqay inaysan iibsanin qalabka Elektaroonika iyo tiknooliyada ee Maraykanka laga soo saaro wuxuuna yiri “Haddii ay haystaan iPhone, dhinaca kale wuxuu leeyahay Samsung. Waddankayaga wuxu leeyahy Venus iyo Vestel. “

Bangiga dhexe ee Turkiga ayaa qaaday tallaabooyin wax ku ool ah, si kor loogu qaado qiimaha lacagta Turkiga, hase yeeshee tallaaooyinkaa iyo kuwa kale oo dowladdu ku dhawaaqday inay qaadayso ma ahayn mid ku filan ama xal u noqon kartay hoos-udhaca dhaqaale ee Turkiga soo wajahday. Daanta kale, Turkiga waxay qaaday talaabooyin diblumaasiyadeed si xal looga gaaro arrintan.

Jarmalka, Qadar iyo Ruushka waxay sheegen inay garab taaganyihiin Turkiga, dagaalka dhaqaale ee lagu haayane uu yahay mid sharci-darro ah. Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa ku dhawaaqay $ 15bn oo taagero maalgelin ah uu siin doono Turkiga, wuxuuna booqasho ku yimid Ankara, wuxu sheegay inuu garab taaganyahay Turkiga, si dhakhso ahne lacagtaas uso gaari doonto Bankiga dhexe ee Turkiga.

Saamaynta hoos-udhacan ku yeeshay Turkida iyo dunida inteeda kale.

Hoos u dhacaan ayaa wuxuu sababay sicir barar baahsan oo ku yimid dhamaan badeecada laga isticmaalo dalka Turkiga tusaalle ahaan; Wargayska financial Times aya soo wariyay in qiimaha roodhiga 25% kor u kacay, halka qiimaha Iphone kor u kacay 25%. sido kale, gaaska dabiiga ah aya lasoo wariyay in %50 kor u kacay.

Sida aan horri usoo sheegay, hoos-udhaca kaliya kuma koobna Turkiga, waxa si wadajir ah looga dareemay wadamo badan oo dunida kamid ah; Lacagta Argentine mudadii isbuuca ahayd waxay hoos u dhacday 9.5%, South African rand 8%, Chilean peso waxay hoos u dhacday 3.4%. Waxa sido kale hoos-udhac lacageed laga dareemay wadamada kala ah: Iranian, Russian, Indian rupee,  Chinese yuan- wadamadan oo dhan waxay ka simanyihiin inay u deymeysanyihiin dollarka maraykanka.

Hoos-u-dhacan dhaqaalaha Turkiga waxaa saamaynteeda aad looga dareemay Hindiya oo xiriir ganacsi kala dhexeeyo Turkiga. Sidoo kale waxaa la filayaa in waddammo badan oo ka tirsan Yurub oo maalgashi ku leh Turkiga laga dareemo.

Soomaali ahaan, waxaa macquul ah inay saamayso taageeradii Turkigu uu siin jiray Bankiga Dhexe ama qarashkii uu ku kabi jiray miisaaniyadda dawladda Soomaaliya, waayo waxaa la saadaalinayaa in Turkigu ay yarayn doonaan dhaqaalaha ay siiyaan waddammada Afrika.

Dhanka kale arrintan waxay yeelan kartaa faa’iido aad u badan; haddii ganacsatada Soomaaliyeed inta ay doollar la yimaaddaan ay kaga adeegtaan, ama ay iibsadaan guryo maadaama qiimahoodii hoos u dhacay— qofkii lacag doolar ah haystaa wuxu helayaa guryo rakhiis ah.






READ MORE FROM THE SOURCE: Dagaalka dhaqaale ee ka dhanka ah Turkiga

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.