Dagaalka xisbiga Waddani iyo Xukuumada Biixi oo mar kale cirka isku sii shareeray

0
305

Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha Somaliland, Cabdikariin Axmed Xinif, ayaa kusoo biirey dagaalka afka ah ee u dhaxeeya Xukuumada Muuse Biixi iyo xisbiga Waddani.Guddoomiye Xinif oo maanta warbaahinta kula hadlayey xafiiskiisa, ayaa waxa uu si adag uga jawaabay eedeymo ay xukuumada u jeedeyiin Mas’uuliyiin ka tirsan Xibsiga mucaaridka ah ee Waddani, wuxuuna yiri“Rag badan oo shalay halkaa ka hadlayey, markay Kulmiye joogeen iyaguna ma xumayn, Kulmiye-na xumayn, waxa imika u muuqdaa xilalka markay hayeen umay muuqanin, laakiin markaas ayaa laga rabay inay yidhaahdaan ‘Waxaasi wuu innaga khaldan yahay’ Marka aan xukuumadda ka tirsan-nahayna aan amaano oo khaladkeedu ii muuqan waayo, markaan dibedda ka joogana ii noqoto abaar, Ceeb bay ku tahay dadnimada”.“Raggaa waxa ka mid ahaa Rag lahaa Muuse Biixi haddaanu talin garanayn Anaga ha noo yeero, xitaa Madaxweyne ma odhanin, hadalkaa qosol ayuun baan kaga jawaabi karayaa”.Wuxuuna intaas kusii daray Xinif “Cabdiraxmaan-cirro inuu Waddanka Madaxweyne ka noqdo Mar uun, laakiin Waddadii ma hayaan, waddadii isna ma hayo, kuwan la joogana ku duwi waaye, Waddo kale ayay hayaan. Xaq buu u leeyahay, waanu la jecel nahay, iinsha-allaah wuu noqon doonaa, laakiin Waddadii ma hayo, markaa waxaan leeyahay Guddoomiye Cabdiraxmaan Waddada ku soo baydh”.Guddoomiye Xinif ayaa ugu dambeyntii wuxuu sheegay in Siyaasintii hore uga tirsanaa Xukuumadihii Kulmiye ee maanta ka tirsan xisbiga Waddani, inaysan waxba ku soo kordhin doonin xisbigaas oo ay dumin doonan.Muddooyinkii u dambeeyay waxa sii xoogeysanayey dagaalka afka ah ee u dhaxeeya Xisbiga Waddani iyo Xukuumada Muuse Biixi, kuwaasi oo warbaahinta isku marinayay hadalo kulul iyo eedeymo kala duwan.Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com




SOURCE: Dagaalka xisbiga Waddani iyo Xukuumada Biixi oo mar kale cirka isku sii shareeray

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.