Dagaallo dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay itoobiya iyo meydad la raadinayo

0
252

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa ku sheegaya in dagaallo xooggan ay ka dhacayaan qeybo kamid ah gobollada ay degaan Amxaarada, kuwaas oo u dhexeeya qowmiyado dega wadankaas.Dagaallo dhacay maalintii shalay oo Jimco ahayd ayaa dhaliyay dhimashada tobanaan ruux oo kamid ah dhinacda qowmiyadaha ku dagaallamaya Itoobiya , dagalkaas oo xoogiisa ka socda deegaannada ay degaan Amxaarada.Masuul katirsan maamulka gobolka Binishanquul ee wadanka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday iney socdaan baaritaanno lagu raadinayo meydadka iyo dhaawacda dad lagu xasuuqey deegaanno hoosyimaada magaalada madaxda gobolka.Isagoo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters ayuu shaaca ka qaaday masuulakn in waxyeellada dhimashada iyo dhaawaca ay gaareyso ugu yaraan 80 ruux, ayna jiraan dad farakutiris ah oo badbaaday kadib markii ay isku soo xireen iskuul maxalli ah.Kooxaha weerarka soo qaaday oo katirsan qowmiyadda Amxaarada ayaa sidoo kale dab ku daaray guryo ay degnaayeen dad shacab ah, taas oo aan la ogeyn kahsaaraha ka dhashey.Dalka Itoobiya ayaa waxaa kusii xoogeysanaya weerarada iyo dagaallada u dhexeeya qowmiyadaha Amxaarada iyo Tigreega ah, kuwaas oo uu dagaalkkooda sii kordhay wixii ka dambeeyay markii uu talada dalkaas la wareegay Abiy Axmed.Dhinaca kale ciidamada Itoobiya ayaa ku dhowaad 12 qof oo shacab Soomaaliyeed ah ku dilay deegaan katirsan gobolka Shiniile ee dhulka Soomaaligalbeed, wararka ka imaanaya Shiniile ayaa sheegaya in Itoobiyaanu ay rasaas ku fureen dad isugusoo baxay degmada Afdem ee gobolka Shiniile.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho  Caasimada@live.com




SOURCE: Dagaallo dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay itoobiya iyo meydad la raadinayo

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.