Daily Nation oo is-bedelka Geeska Afrika ka socda ka qoray warbixin xasaasi ah

0
280

Wargayska Dail Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa qoray warbixin xasaasi ah oo ku saabsan shirka sadex geesoodka ah ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya.Qoraaga warbixintan oo lagu magacaabo PETER KAGWANJA ayaa Lateliye Sare u ahaan jiray Dowladda Kenya, haatanna waxa uu madax ka yahay Machadka Siyaasadda Afrika.Peter ayaa warbixintiisa ku sheegay in isbadalka siyaasadeed ee ka socda Gobolka Geeska Afrika uu salka ku hayo qowmiyad iyo is-bahaysiyo taariikh hore, dadka Soomaaliyeedna ay udub dhexaad u yihiin isbahaysigaas.Qoraaga ayaa si qoto dheer u tilmaamay in isbahaysigii hore ee Gobolka ka jiray ee ku salaysnaa midowga qowmiyadaha Baantuuga iyo Amxaarada oo ay ku mideysnaayeen Maamulka hore Itoobiya, dowladdaha Kenya iyo Uganda uu gabbalkiisu sii dhacayo, tan iyo markii talada dalka Itoobiya uu la wareegay Raiisul Wasaare Abay Axmed. Warbixinta waxaa lagu sheegay in isbahaysiga cusub ee Gobolka uu yahay mid salka ku hayo Kooxaha asalkoodu yahay Kushite oo ah (Soomaalida, Oromada iyo Canfarta).Qoraaga Warbixinta ayaa dib u milicsaday dadaalkii ay Kenya ku bixisay isbahaysigii qadiimka ahaa ee Baantuuga iyo Amxaarada oo ka naqshadeeyey siyaasadda Geeska Afrika, waxa uuna tusaale u soo qaatay heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhanka difaaca ee ay kala saxiixdeen Kenya iyo Itoobiya 27-kii Dice 1963dii.Heshiiskan oo dhigayey in Kenya iyo Itoobiya ay si wada jir ah ula dagaalamaan cid kasta oo midkood dagaal ku soo qaadda ayuu ku ku sheegay qoraagu in uu ahaa mid lagaga hortagayey “dhul ballaarsiga Soomaaliya.”PETER KAGWANJA ayaa ugu danbeyntii saadaaliyey in isbahaysiga noocaan oo kale ah uu yahay midka kaliya ee soo afjari kara dagaalka dabo dheeraaday ee lagula jiro Alshabaab, sidoo kalena xoojin kara maqaamka iyo dib u kabashada Soomaaliya.




SOURCE: Daily Nation oo is-bedelka Geeska Afrika ka socda ka qoray warbixin xasaasi ah

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.