Daily Nation oo shaaciyey tallaabooyinka ka dhan ah DF ee ay qorsheysay Kenya

0
234

Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi ayaa qoray “in dowladda Kenya ay awooddeeda diblomaasiyadeed u adeegsaneyso Soomaaliya” oo ay ku eedeysay inay “ku xadgudubtay biyaheeda.”Wargeyska Daily Nation ayaa qoray dhowr tallaabo oo ay qorsheysay dowladda Kenya inay qaado, si ay cadaadis xooggan u saarto xukuumadda Muqdisho, kuwaas oo ay ka mid yihiin:1 – Joojinta mudnaanta gaarka ah ee ay siin jirtay mas’uuliyiinta Soomaaliya, sida Visa-ha loogu dhufan jiray baasaboorka marka ay kasoo degaan garoonka Jomo Kenyatta.2 – Billaabista tallaabooyin iyo xanibaado adag oo la saarayo diyaaradaha ka imanaya Soomaaliya, sida inay soo maraan magaalada Wajeer.3 – La macaamilka iyo soo dhoweynta dowladaha federaalka ah ee khilaafka uu kala dhaxeeyo dowladda Soomaaliya, iyo sidoo kale maamulka Somaliland.4 – Kasoo saarista ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya goobaha ay horey uga qabsadeen kooxda Al-Shabaab, si Shabaabka ay dib ula wareegaan, taasi oo cadaadiska gudaha kusii kordhineysa dowladda federaalka.5 – Hakinta qaar ka mid ah heshiisyadii ay labada dowladood horey u kala saxiixdeen, inkasta oo aan la shaacin waxa ay yihiin.Wrageyska ayaa sidoo kale qoray inay jiri karaan tallaabooyin kale oo intan ka baxsan oo dowladda Kenya ay qaaddo, si ay cadaadiska ugu kordhiso dowladda Soomaaliya.Wargeyska ayaa sheegay in ujeedada Kenya ay tahay inay ku qasabto Soomaaliya inay ka laabato dacwadda taalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ku saabsan badda Soomaaliya, islamarkaana taa beddelkeed ay wada-hadal la furto.Kenya ayaa habeenkii Isniinti waxay mas’uuliyiin Soomaaliyeed oo u socday shir ka dhici lahaa Nairobi ku qasabtay inay qarakood baryaan garoonka, kadib markii ay u diiday Visa-hii ay garoonka ka qaadan jireen.Dowladda Soomaaliya, weli wax jawaab ah kama bixin tallaabooyinka dowladda Kenya.Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com




SOURCE: Daily Nation oo shaaciyey tallaabooyinka ka dhan ah DF ee ay qorsheysay Kenya

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.