DANI ALVES OO WAR AAN LAGU FARXIN LAGA SOO WARIYAY.

0
216

Daafaca kooxda PSG kana soo jeeda dalka Barazil Dani Alves ayaa waxaa lasoo warinayaa in marka la eego xaaladiisa Caafimaad ay suuro gal tahay in uu seego ka qayb galka Koobka Aduunka oo dhawaan si rasmi ah Dalka Ruushka uga Bilaaban Doona.

Xidiga ayaa ku dhaawacmay kulankii ugu dambeeyay ee ay kooxdiisa PSG ku xaqiijisay in ay qaaday koobka French Cup.

Sida ay sheegayaan qaar kamid ah warbaahinta wax ka dhahda arimaha Ciyaaraha Dhaawaca Xidiga ayaanan u Baahnayn Qaliin balse waxaa uu u baahan yahay Xidiga in ugu yaraan 4 todobaad la baxnaaniyo si uu si wanaagsan ugu soo kabto.

Waxaana talaabadaasi ay keeni kartaa in uu seego ka qayb galkiisa ku aadan in uu ka mid noqdo Xidigaha Matalaya Qaranka Brazil.

Taageereyaasha Brazil oo wal wal xoogan muujinaya ayaa waxaa ka dhalatay wal walkooda in Dhaqaatiir u dhalatay dalka Brazil lagu wado in ay gaaraan dalka france si ay natiijada ugu dambaysa uga soo saaraan Dhaawaca Xidigan iyo Xiliga uu ku bogsan karo.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.