Daryeel Xumo soo wajahday ciidamada Kenya kaga sugan Soomaaliya (Warbixin)

0
306

Muqdisho (Caasimada Online)-Warbixin dheer ayaa laga qoray dayacaad dowladda Kenya ay ku sameysay qaar kamid ah ciidamada kaga sugan Soomaaliya oo la sheegay inay xanuunada maskaxda ka qaadeen dagaalada ay la galaan Al Shabaab.Dowladda Kenya ayey warbixintan ku eedeysay in Askarta waxyeellada ka soo gaarto  dhimirka aysan helin daryeel fiican beddelkeedana ay la kulmaan shaqo ka eryid iyo cadaadis kale oo ay kala kulmaan dowladdooda.Christopher Katitu ayaa kamid ah ciidamada dowladda Kenya dayacday ee kusugan dalka Soomaaliya, waxaana Mar Katitu la sheegay inuu ku qornaa bar ilaalineed ku taala magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.Intaas waxaa u dheer nolosha qoyskiisa oo uusan ka warqabin, xaaskiisa oo ka careysan,waxaana uu intii uu ku sugnaa barta Koontarool billaabay in uu isla hadlo halkaasna ka qaado xanuunka dhimirka.Dowladda ayaa fasax siisay, markii uu ku laabtay dalkiisa halkii ay ahayd in la geeyo Isbitaalna waxaa lagu siidaayay qoyskiisa isaga oo dhimirka la’.Katitu,oo 32 jir ah aya ayiri “ waxaa noloo diraa halkaas si aan dagaal u galno, nalooma diyaariyo sida la isaga daweeyo cudurrada dhimirka”Kudhawaad sanad oo uu ka maqnaa shaqada Ciidanka ayuu isku dayay in uu shaqadii dowladda dib ugu laabto laakiin waxaa loo sheegay in mar hore shaqada laga eryay islamarkaana uusan ahayn Askari ka tirsan Ciidanka Difaaca Kenya ee KDF.Ciidamada Kenya ee uu tababaro Mareykanka kuna jira dagaalka AL-shabaab waxaa qaarkood loo tababaraa wax ka qabashada xanuunnada dhimirka laakiin dowladda Kenya uma sameyso xarumo ay ku shaqeeyaan saraakiisha Caafimaadka sida ay qortay Washington Post.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Daryeel Xumo soo wajahday ciidamada Kenya kaga sugan Soomaaliya (Warbixin)

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.