DAVID LUIS OO BOORSOOYINKIISA XIR XIRTAY SAFARNA U AH KOOX KA DHISAN TALYAANIGA.

0
116

Xidiga aan garoomada lagu arkin Mudooyinkaan ee kooxda chalsea Daafacana ka ciyaara ee lagu magacaabo David Luis ayaa lagu soo waramayaa in ay u badan tahay in uu u xamaal tagi doono Horyaalaka Seri A-da Dalka Talyaaniga.
Xidigan oo sidoo kale aan wax door ah ku lahayn Xulkiisa Qaranka Brazil ayaa waxaa soo baxaysa in  kooxda Napoli ay aad u danaynayso Adeegiisa waxaana meel wanaagsan maraya Wada xaajoodka lagu lafa gurayo Arintan.
Napoli waxaa ka go’an In ay xidigan keento garoonkeeda  iyadoona taageereyaasha kooxda si wayn uga war dhowrayaan Talaabadan.

Waxaa uu u saftay xili ciyaareedkii tagay kooxdiisa Chalsea ilaa 10 kulan oo kaliya isaga oo dhaliyay halgool.
Waxaa ay u badan tahay hadii Napoli ay ku guulaysato saxiixa Laacibkan in ay siin doonto boos joogta ah oo uu Bandhig wanaagsan ku samayn karo.
Waa daafac aad xirfadiisa ay u sarayso hase ahaatee garab ka waayay Macalinka Xilkiisa uu muranka ka taagan yahay ee Antonio Conte.
 
 




READ MORE FROM THE SOURCE: DAVID LUIS OO BOORSOOYINKIISA XIR XIRTAY SAFARNA U AH KOOX KA DHISAN TALYAANIGA.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.