DEG-DEEG: Chelsea Vs Man United Iyo Isku Aadka Wareega Shanaad Ee FA Cupka Oo La Sameeyay.

0
63

Isku aadka wareega shanaad ee FA Cupka ayaa hadda la sameeyay iyada oo kooxda koobkan difaacanaysa ee Chelsea ay madaxa iskula jiraan Manchester United. Manchester United oo wareegii afraad ee FA Cupka soo dhaaftay Arsenal ayaa markale ku laaban doonta London.
Chelsea ayaa Stamford Bridge ku soo dhayn doonta kooxda Ole Gunners Solskjaer iyada oo uu yahay kulanka ugu xiisaha badan ee wareega shanaad ee FA Cupka.

Manchester City ayaa sugidoonta midkii soo baxa kooxaha yar yar ee Middlesbrough iyo Newport County iyada oo kooxda Guardiola fursad wayn u heshay in ay ka soo gudbin karto wareega shanaad ee FA Cupka kadib markii ay hore u gaadhay finalka EFL Cupka.
In Manchester United iyo Chelsea ay isku aadeen wareega shanaad ee FA Cupka ayaa Manchester City siinaysa fursada ay hal koox oo wayn oo kaliya ugula tartami karto koobka FA Cupka.
Halkan kaga bogo Isku Aadka Wareega Shanaad Ee FA Cupka oo Dhan:
Bristol City vs Shrewsbury / Wolves
AFC Wimbledon vs Millwall
Doncaster vs Crystal Palace
Middlesbrough / Newport County vs Manchester City
Chelsea vs Manchester United
Swansea vs Barnet / Brentford
Portsmouth / QPR vs Watford
Brighton vs West Brom b Derby
Kulamada wareega shanaad ee FA Cupka ayaa la ciyaari doonaa maalmaha jimcaha ee February 15 iyo Isniinta, February 18 markaas oo la ogaan doono kooxaha wareega xiga u soo gudbi doona.
The post DEG-DEEG: Chelsea Vs Man United Iyo Isku Aadka Wareega Shanaad Ee FA Cupka Oo La Sameeyay. appeared first on Latest football news.

{$inline_image}


SOURCE: DEG-DEEG: Chelsea Vs Man United Iyo Isku Aadka Wareega Shanaad Ee FA Cupka Oo La Sameeyay.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.