Deg Deg: Al-Shabaab oo sheegtay qaraxii dadka badan lagu xasuuqay ee maalin ka hor ka dhacay Muqdisho

0
81

Muqdisho-(Caasimada Online)-Ururka Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay war ka soo saaray qaraxii dadka badan lagu laayey ee ka dhacay isgoyska Ex koontorol Afgooye ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka guud ee Al-Shabaab, Cali Maxamuud Raage ayaa oo iska soo duubay khudbad soconaysa in kabadan 20 daqiiqo ayaa sheegay in qaraxaas ay iyagu ka danbeeyeen isla markaana ay la beegsadeen saraakiil Turkish ah iyo wax uu ku sheegay maleeshiyaad Soomaali ah.
Waxa uu qiray in dad shacab ah ay wax yeelo ka soo gaartay qaraxaas, kuwaas oo uu  sheegay inay goobta marayeen.
Faah-faahin dheeri ah goor dhaw kala soco Caasimada Online.




SOURCE: Deg Deg: Al-Shabaab oo sheegtay qaraxii dadka badan lagu xasuuqay ee maalin ka hor ka dhacay Muqdisho

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.