DEG-DEG: Feedhyahanka Muslimka Ah Ee Khabib Nurmagomedov Oo Ganaax CULUS Lagu Soo Rogay Kadib Rabashadii Kulankii Conor McGregor.

0
62

Feedhyahanka muslimka ah ee Khabib Nurmagomedov ayaa ganaax culus lagu soo rogay kadib markii muddo la sugayay ciqaabta uu kula kulmayo dagaalkii iyo rabashadii uu bilaabay kadib markii uu si bahdilaad ah uga guulaystay Conor McGregor.
Khabib ayaa kulankii dhex maray McGregor waxa uu ku guulaystay wareegii afraad laakiin waxa uu ka baxay xeradii dagaalka si uu u baahcsado kooxdii Conor McGregor waxaana halkas ka qarxay rabshado aan loo kala hadhin.
Laakiin Khabib Nurmagomedov ayaa bilo kadib waxa uu ogaaday nooca ganaaxa lagu soo rogay iyada oo hadda la shaaciyay in Khabib lagu soo rogay ganaax 9 bilood ah waxaana sidoo kale lagu ganaaxay 500, 000 kun oo dollar.
Laakiin ganaaxa Khabib Nurmagomedov ayaa lix bilood lagu soo koobi karaa haddii uu aqbalo in uu ka shaqeeyo arimaha samafalka oo kuwaas oo uu kaga baaqsan karo in sagaal bilood oo ganaax ah uu ku maqnaan karo.
Laakiin  Abubakar Nurmagomedov ayaa lagu soo rogay ganaax culus oo ka sii daran kan walaalkii Khabib lagu soo rogay waxaana  Abubakar Nurmagomedov lagu xukumay muddo hal sano ah iyo 25,000 kun oo dollar.
Abubakar Nurmagomedov ayaa lagu ganaaxya in uu soo galay goobtii uu kulankii UEC 229 ku dhex maray Khabib iyo McGregor laakiin lacagta 500,000 kun ee dollar ah ayaa ah afarmeelood meel ka mid ah lacagtii 2 milyan dollarka ahayd ee uu Khabib ugu guulaystay dagaalkii uu ku bahdilay  Conor McGregor.
Laakiin Khabib Nurmagomedov ayaa saaxaada UFC ee feedhka iyo ladginta isku jira ku soo laaban kara bisha June iyada oo ganaaxiisa dib loogu dhigi karo laakiin Conor McGregor ayaa isna hadda sugaya in lagu dhawaaqo xukunkiisa maadaama oo uu ku lug lahaa rabshadii ka danbaysay kulankii uu Khabib guuldarada kala kulmay.
Khabib Nurmagomedov iyo Conor McGregor ayaa hore loogu sii riday xukun ganaax aan waqti la ahayn balse hadda Khabib ayaa si rasmi ah u ogaaday in sagaal bilood la ganaaxay wuxuuna hadda haystaa in uu ka shaqeeyo arimaha safalka ama bini aadamnimada si ganaaxiisa lix bilood loogu soo koobo.
The post DEG-DEG: Feedhyahanka Muslimka Ah Ee Khabib Nurmagomedov Oo Ganaax CULUS Lagu Soo Rogay Kadib Rabashadii Kulankii Conor McGregor. appeared first on Latest football news.




SOURCE: DEG-DEG: Feedhyahanka Muslimka Ah Ee Khabib Nurmagomedov Oo Ganaax CULUS Lagu Soo Rogay Kadib Rabashadii Kulankii Conor McGregor.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.