DEG DEG: Kulankii Mursal, Muudey iyo Cawad oo la sheegay in heshiis lagu gaaray + Sawirro

0
494

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kulankii ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal, iyo labada guddoomiye ku xigeenka Cabdi Weli Ibraahim Muudeey iyo Mahad Cawad, ayaa la sheegay in la isku afgartay.Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig oo ka mid ahaa xubnihii kulanka ka qeyb-galay ayaa shaaca ka qaaday in heshiis iyo afgarad laga gaaray khilaafkii ka dhex jira guddoonka ee ka dhashay mooshinka madaxweyne Farmaajo. Xiddig ma bixin wax faah-faahin ah oo intaas dhaafsan.Qoraal uu xiddig soo dhigay facebook, hoos ka aqriso.Bismilaah:Xubnaha golaha Shacabka, umada soomaaliyeed iyo dhamaan inta samaha jecel Waxaan si rasmi ah ugu war gelineynaa in Xubnaha gudoonka golaha shacabka ay maanta xal iyo is afgarad ka gaareen wixii khilaaf ahaa ee soo kala dhex galay:Ilaahay ayaa mahadaas iska leh:Intaas Kadib Waxaan amaan iyo bogaadin u jeedinayaa guud ahaan Shacabka soomaaliyeed, xubnaha golaha shacabka iyo dhamaan intii gacan ka geysatay xalinta khilaafkan:Si gaar ah Waxaan ugu mahad celinayaa xubnaha gudiga iskood isu xil qaamay ee isu tagay xalinta khilaafka, gudigan oo ka tirsan golaha shacabka oo habeen iyo maalin u taagnaa inay xaliyaan kala aragti duwanaantan soo dhexgashay gudoonkooda,,UGUDANBAY:Xubnaha golaha shacabka iyo umada soomaaliyeed Waxaan ugu baaqayaa inay gacan ku siiyaan gudoonka siday u xidid bixin lahayen kala aragti duwanaantaas isla markaana golaha shacabku shaqadiisii dib ugu bilaabi lahaa: MAHASANIDIINGudoomiyaha Gudiga xalinta khilaafkan Xil. Abdirashid Mohamed Xidig Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: DEG DEG: Kulankii Mursal, Muudey iyo Cawad oo la sheegay in heshiis lagu gaaray + Sawirro

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.