DEG DEG: Qarax aad u culus oo goor dhow ka dhacay Muqdisho

0
278

Qarax aad u weyn ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, waxanaa la sheegayaa inuu yahay Waddada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan agagaarka Hotel Wehliye.Qaraxan ayaa laga maqlay inta badan magaalada, waxaana la sheegay in muraayadaha ay soo daateen dhismooyin ku yaalla meel ka fog goobta qaraxa.Wararka aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in gaari uu ku qarxay Maqaayad ku taalla inta u dhaxeysa Hotelka Wehliye iyo Isgoyska Dabka ,isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay.Uuro ayaa qaraxa kadib cirka isku-shareertay taas oo inta badan degmooyinka Gobolkan Banaadir laga arkayo.Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta,kuwaas oo xiray wadooyinka soo gala goobta uu qaraxa ka dhacay.Naga filo faah-faahin dhowaan Insha Allah.




SOURCE: DEG DEG: Qarax aad u culus oo goor dhow ka dhacay Muqdisho

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.