Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaal toos ah ayaa waxa uu ka socdaa Agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya , waxaana sidoo kale la maqlay qarax labaad oo aad u xooggan.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan In dagaalka uu u dhexeeyo dabley hubeysan oo la socday labada gaari ee Qaraxday kuwaa oo la dagaalamaaya ciidamo ka tirsan dowlada gaar ahaan kuwa Koofi casta loo yaqaan.
Ciidamada ayaa Qaraxyada ka hor weerarah goob ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda gaar ahaan kuwo loo yaqaano Koofigaduuda iyo kuwo Boolis ah oo ku sugnaa afafka hore ee Madaxtooyada Somalia.
Labada Qarax oo loo adeegsaday laba gaari oo nooca raaxada ah ayaa waxa uu kan koowaad ka dhacay eeryada Madaxtooyada gaar ahaan meel ku dhow Hoteel SYL oo kasoo horjeeda dhismaha Madaxtooyada.
Qaraxyo loo maleynaayo in loo adeegsaday Bamgacmeedyo ayaa sidoo kale laga maqlayaa meel ku dhow Isgooska Ceelgaabta walow lasoo sheegayo in halkaa uu markii danbe ka dhacay Qarax gaari oo la doonaayay in Villa Somalia laga galiyo halkaa.
Sidoo kale, Rasaas ayaa la maqlayaa waxaana goobaha uu Qaraxa ka dhacay yaala Meydad iyo dhaawacyo u badan shacab oo xiliga qaraxa maraayay halkaa.
Ma cadda khasaaraha ka dhashay Qaraxyada laga maqlaayo eeryada Xarunta Villa Somalia walow wali ay socdaan rasaas xoogan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com
READ MORE FROM THE SOURCE: DEG DEG: Qarax labaad oo ka dhacay eeryada xarunta Villa Somalia & Rasaas xoogan oo la maqlaayo