DEG DEG: Qarax xoogan oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

0
90

Muqdisho (Caasimada Online)-Jug culus ayaa goordhow laga maqlay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, waxaana jugta daba socday rasaas goosgoos ah.
Jugta oo inta badan laga wada maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa la sheegay in lagu xiray Gaari nooca raaxada ah, kaa oo Qarxay xili uu maraayay Isgooska Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Gaariga lagu xiray Qaraxa ayaa lasoo sheegayaa inuu watay wiil dhalinyaro ah oo ka tirsan shaqaalaha dowlada.
Dad goobjoogayaal ah ayaa soo shegaya in gaariga uu Qaraxa la tagay goobta uu ku Qarxay, isla markaana lagula soo xiray goobo kale.
Goobjoogayaasha ayaa sheegaya in laba ruux oo shacab ah uu dhaawac kasoo gaaray Qaraxa, kuwaa oo xiliga Qaraxa maraayay goobta.
Sidoo kale, wadaha gaariga ayaa waxaa soo gaaray dhaawac ka dhashay Qaraxa loogu xiray gaariga, waxaana dhammaan dhaawacyada goobta ka qaaday ciidamada amaanka.
Goobta uu hadda ka dhacay Qaraxa ayaa marar kala duwan waxaa ka dhacay Qaraxyo kala duwan oo ka dhashay miinada nooca lagu xiro gaadiidka.
Dhinaca kale, Qaraxaani ayaa noqonaaya kii afaraad oo ilaa saaka ka dhacay Muqdisho, waxaana xusid mudan in laba kamid ah Qaraxyada uu ka dhashay miino lagu xiray gawaari.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: DEG DEG: Qarax xoogan oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.