DEG DEG: Taliyaha NISA oo si rasmi ah xilka isaga casilay

0
43

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA, Xuseen Cusmaan Xuseen (Uurkuus), ayaa si rasmi ah isaga casilay xilka, sida ay goor-dhow shaacisay hay’adda.Qoraal ay soo dhigtay barta twitter-ka ayey NISA ku tiri “Agaasimaha Guud ee Hey’adda Sirdoonka & Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed (NISA), Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa maanta oo taariikhdu tahay 13/10/2018, sababo asaga u gaar ah owgeed warqadiisa iscasilaada u gudbiyay Madaxwaynaha JFS.”Agaasimaha Guud ee Hey’adda Sirdoonka & Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed (NISA), Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa maanta oo taariikhdu tahay 13/10/2018, sababo asaga u gaar ah owgeed warqadiisa iscasilaada u gudbiyay Madaxwaynaha JFS.— NISA (@HSNQ_NISA) October 13, 2018https://platform.twitter.com/widgets.jsXog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in taliye Xuseen Cusmaan Xuseen la filayo inuu isku sharxo xilka madaxweynaha maamullka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, oo doorashadiisa ay dhici doonto bisha soo socota.Taliye Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa toddobaadkii tegay gaaray Baydhaba, halkaasi oo uu kula kulmay Mukhtaar Roobow kana codsaday inuusan is-sharxin. Si kastaba, Roobow ayaa ku gacan seeray, taasi oo dhalisay in dowladda ay fasaxdo.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: DEG DEG: Taliyaha NISA oo si rasmi ah xilka isaga casilay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.