DEG DEG: Wasiir ka tirsan XFS oo caawa ka badbaaday isku day dil

0
358

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in isku day dil uu ka badbaaday Wasiirkii Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Eng. Saalax Sheekh Cismaan.
Wasiirka ayaa la sheegay in gaari uu la socday isla markaana sii galaayay hooygiisa lagu dhuftay gaari kale oo markii hore ku diyaarsanaa agagaarka Wasaradii hore ee Amniga Gudaha.
Gaariga lagu dhuftay kan Wasiirkii howlaha guud ayaa la sheegay inuu ahaa gaari raaxo, waxaana intaa kadib xigay rasaas ooda looga qaaday Wasiirkii howlaha guud.
Idaacada Dalsan ee magaalada Muqdisho ayaa baahisay in Wasiirka gaarigaasi loogu sii diyaariyay wadada dhinaceeda, iyadoo falka ku dhufashada iyo rasaastuba ay ku bilaabatay xili uu ku xaroonaayay Hooygiisa oo ku yaalla agagaarka Wasaaradii hore Amniga ee ku dhow taalada Daljirka daahsoon.

Intaa kadib ilaalada la soctay gaariga Wasiirkii howlaha guud ayaa iska caabiyay Kooxda isku dayday inay khaarijiso Eng. Saalax Sheekh Cismaan.
Ciidamo ka tirsan Booliska oo ku baxay falkaasi ayaa xaqiijiyay in iska hor imaadka uu ku dhintay hal qof, halka laba kale oo shacab ahaa uu soo gaaray dhawac.
Sidoo kale, Wasiir Saalax ayaan weli ka hadal weerarka lagu doonaayay in lagu khaarijiyo, waxa ayna Saraakiisha iyo ciidamada Booliska ee halkaa gaaray sheegen in qorshaha uu ahaa mid lagu khaarijin lahaa Eng. Saalax Sheekh Cismaan.
Dhinaca kale, waxaa xilkaani Wasiirnimo horay looga dishay Wasiir Siraaji, waxaana xusid mudan in dilka iyo weerarka ceynkaani ah uu yahay mid aysan turxan bixin dowlada Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: DEG DEG: Wasiir ka tirsan XFS oo caawa ka badbaaday isku day dil

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.