DEG-DEG :- Weerar Diyaaradeed oo hadda ka dhacay Shabeelada Hoose

0
210

Weerar Dhinaca Cirka ah ayaa Goor dhaweyd ka dhacey Deegaan Lagu Magacaabo Farsooley oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose , Wararka ayaa sheegaya in  diyaarad looga shakisanyahay kuwa aan duuliyaha wadin ee Mareykanka ay fulisay.

Shabakadda Wararka ee Baaritaan ayaa Ilo lagu kalsoonaan karo ka heshay in Weerarka lala eegtay gaari weyn oo loo maleynayo in Kooxda Alshabaab ay leedahay.

Dadka qaar ayaa sheegay in gaariga gabi ahaantiiba uu Ololay, islamarkaana uu basbeelay , Laakiin Bur-burkiisa ayaa waxaa qaatay Kooxda Alshabaab.

Duqeyntan ayaa dhacday Galabta oo ah Arbaco , Mana jirto Illaa iyo hadda Cid sheegatay iney fulisay , sidoo kalena Ma jiraan War kasoo baxay Maleeshiyada Alshabaab oo ku aadan Weerarkaasi la sheegay in iyaga lala eegtay.

Gobolka Shabeelada Hoose waxaa Maalmahii dambe ka jiray Duqeyn lala beegsanayay Xurumaha Shabaabku leeyihiin , badina waxaa fulinayay diyaaradaha Mareykanka oo xog ka helayay Sirdoonka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Weeraradaasi waxey sababeen in Maleeshiyo badan ay Gobolkaasi ka kala firxadaan , iyagoo ukala cararay dhulka Howdka ah ee Maamulada Jubaland iyo Hir-shabeelle.

La soco Wixii kusoo Kordha Shabakadda Baaritaan.com

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.