DELE ALI OO ARIN LAYAAB LEH KALA KULMAY TAAGEEREYAASHA XULKA NIGERIA.

0
177

Kadib ciyaar saaxiibtimo oo aad u xiiso badnayd  oo loogu diyaar garoobayay Koobka aduunka oo dhex martay Xulalka Qaranka Nigeria iyo England ayaa waxaa kulankaasi uu kusoo idlaaday 2 1 oo England ay guusha ku raacday.

Balse kulankaan ayaa waxaa hareeyay Fowdo Taageereyaasha Xulka Qaranka Nigeria ay si joogto ah ugu samaynayeen Xidiga haysta Dhalasha England balse asal ahaan ka soo jeeda Dalka Nigeria Dele Ali.

Waxaa taageereyaashan ay ku oorinayeen Dele Ali markasta oo uu kubad helo taa oo dad badan ay layaabeen.

Ujeedada oorintaan ayaa waxaa lagu sifeeyay in ay ka dambayso in Dele Ali uu ku dhiiran waayay in uu Matalo Qarankiisa Rasmiga ah ee Naigeria sidaa darteed waxaa intii garoon uu ku jiray ay la daba kaceen Fowdo joogta ah.

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.