DF oo sheegtay in 3 arrin ay soo dadajisay dhimashada hogaamiyaha Al-Shabaab

0
305

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa geeri la sheegay inay ku timid Hogaamiyaha ugu sareeya ee Al-Shabaab Axmed Diiriye (Abu cubeyda).
Abu Cubeyda, ayaa saraakiisha dowladda Soomaaliya ay sheegeen inuu dhintay gelinkii dambe ee Isniinta waxa uuna ku geeriyooday sida ay xogtu sheegeyso degmada Jilib ee Gobalka Jubada Dhexe kadib xanuun haayay sanadihii ugu dambeeyay.
Saraakiil ka tirsan ciidamada gaarka ee loo yaqaan Kumaandooska ee DFS ayaa Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho u xaqiijiyay in Abu Cubeyda uu sababsaday xanuuno isbiirsaday oo waayadan hayay.
War kasoo yeeray dowladda Soomaaliya ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta.
Geerida Abu cubeyda waxaa sidoo kale xaqiijiyay Saraakiil ka tirsan Sirdoonka NISA iyo Militeriga Somalia oo xiriiro kala duwan lala sameeyay waxa ayna sheegen in geerida horjoogaha ay tahay mid aan qarsooneyn.
Saraakiishu waxa ay intaa ku dareen in geerida Abu cubeyda ay soo dadajisay cuduro ay kamid yihiin:
1 – Kiliyaha oo shaqo joojiyay
2 – Kanserka caloosha oo ku dhacay
3 – Dhaawac horay uga soo gaaray duqeyn lala beegsaday gaadiid galbineysay, kaa oo ilaa iyo hadda uusan ka kabsan.
Abu Cubeyda oo qabay xanuuno iyo dhaawac halis ah ayaa la sheegay in sanadihii ugu dambeeyay uu wajahayay xaalado ku khasabtay inuu joojiyo howshii uu u hayay Al-Shabaab.
Axmed Diiriye (Abu Cubeyda) ayaa qabtay xilka hogaamiyaha Al Shabab, bishii December ee sannadki 2014-ki, kadib marki ay Dowlada Mareykanka duqeyn ku dishay hogaamiyihii isaga ka horreeyay Axmed Godane.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: DF oo sheegtay in 3 arrin ay soo dadajisay dhimashada hogaamiyaha Al-Shabaab

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.