DF oo tallaabo ka qaaday dad reer Muqdisho ah oo garsoor u doontay Shabaab

0
319

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar C/llaahi ayaa sheegay in xabsiga loo taxaabay labo qof oo u dacwooday Al-Shabaab, kuwaasi oo decumenti been abuur ah ay wateen awgeed Maxkamada Gobolka iyo tan racfaanka ay go’aan uga gaareen.“Afar Qof ayaa loo diray waaran oo intey ka dacwoodeen gobolka laga soo xukumay ka dibna racfaan soo qaatay, Garsoorihii ku qornaa ayaa dacwadda dhageystay oo baaris u diray xeer ilaalinta, waxay soo saartay xeer ilaalintu in dokumentigooda uu been abuur yahay, ka bacdi intey carareen ayay u dacwoodeen Al-Shabaab,” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamada racfaanka Gobolka Banaadir.Garyaqaan Abshir Cumar C/llaahi ayaa tilmaamay in labo ka mid ah afarta ruux ay maqan yihiin, halka labada kale ay xiran yihiin, kuwaas oo uu sheegay iney Shabaab u aadeen si ay cabsi geliyaan dadka dacwada kala dhaxeysay una handadaan muwaadiniinta kale, sida uu hadalka u dhigay.Dhan kale, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar C/llaahi ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya la xiray ka dib markii uu gacantiisa ku sameystay dokumenti been abuur ah,I slamarkaana uu isticmaalay.Garsoorka dalka ayaa horay uga digay dadka Garsoorka u doonta deegaanada ay ku sugan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab.Dad badan ayaa garsoor u doonta kooxda Al-Shabaab, sababtuna waxa ay tahay nidaamkooda oo ka madax banaan musuq-maasuqa, oo ah arrin ay caan ku yihiin maxkamadaha hoos-taga dowladda Soomaaliya.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: DF oo tallaabo ka qaaday dad reer Muqdisho ah oo garsoor u doontay Shabaab

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.