DF oo WAR cusub ka soo saartay dib u bilaabidda shirkada Somalia Airlines

0
299

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka duulista hawada xukumada faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Salaad Oomaar ayaa sheegay in ay wadaan qorsho dib logu soo celinayo duulimaadyadii shirkadda Somali Airlines.Wasiirka duulista hawada oo la hadlaayay warbaahinta dowlada, ayaa sheegay in aysan sahlanayn in dib loo soo nooleeyo diyaarad balse sanadka 2019 in lagu xisaabtamayo howl-galinta Somali Airlines.Oomaar oo sii hadlaya ayaa sheegay in ay ahmiyad gaar ah siinayaan soo celinta kaalintii diyaarada, ayna hada meel wanaagsan u marayso isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in ay sanabkaan shaqo billaabi doonto.Somali Airlines waxaa la aasaasay sanadkii 1964-kii. Waxa ay duulimaadyo ku samayn jirtay wadanka gudihiisa iyo dibaddiisa waxa ayna xarunteeda waayn ku taalay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.Guud ahaan diyaaradaha Soomaaliya waxa ay u kala duuli jireen wadamo badan oo ku yaala Afrika, Bariga Dhexe, Aasiyada Fog iyo Yurub balse sanadii 1991 markii uu dalka qarxay dagaalkii sokeeye waxaa bur buray adeegyadii diyaaradaha ee Soomaaliya.Dib usoo nooleynta Somali Airlines ayaa waxaa muddo ballan-qaadayey dowladihii ugu dambeeyey ee dalka, hase yeeshee marnaba ballan-qaadkooda ma xigin ficil ka dhabeyn ah.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com




SOURCE: DF oo WAR cusub ka soo saartay dib u bilaabidda shirkada Somalia Airlines

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.