DF oo war cusub kasoo saartay gefafka ay Itoobiya u gaysatay Soomaaliya

0
229

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay labadii dhacdo ee aadka loo hadal hayay ee gafka ahaa oo dowladda Ethiopia gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibadda ku dhaqaaqday.Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sheegay in Qaladka Koowaad ee Soomaaliga looga mid dhigay dhul Ethiopia kamid ah uusan aheyn wax weyn, islamarkaana markii ay la hadleen dowladda Ethiopia laga saaray sawirkii murunka keenay.Wuxuu sheegay in sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia ay sameyneyso baaritaanka ku aadan cidda falkaasi ka dambeysay, islamarkaana ay lala xisaabtami doono dadka falkaasi geystay.“Waxan wuxuu ahaa wax aan micno lahayn oo khalad dhacay ah, Soomaaliya kaliyana ma khuseynin, khariidad qof ku falaaday oo aan sax ahayn bay ahayd, iyaguna markii ay khaladkooda arkeen annaguna aan kala hadalnay ayey ka saareen, cudur daar ayey ka sameeyeen, baaritaanna way sameynayaan” ayuu yiri Wasiir Cawad.Isaga oo la hadlayay BBC-da ayuu sidoo kale ka hadlay hadal heyntii ka dhalatay markii markale bogga wasaaradda arrimaha dibadda ee Ethiopia lagu arkay in Somaliland iyo Puntland u aqoonsadeen dal ka madax banaan Somalia.”Annagu Dowlad Soomaaliyeed baan nahay, Itoobiya kama mid nihin. Si rasmi ah ayaan dowladda Itoobiya warqad ugu qornay, wayna noo soo jawaabeen dowlad ahaan ayeyna noogu cudur daarteen. Haddii la rabay inaan baraha bulshada ku shaacinno sidaasi ma aha sida ay dowladaha ku shaqeeyaan, habab diblomaasi ayaan u marnay arrinta”“Safiirro ma joogaan Hargeysa iyo Garowe, Somaliya hal dowlad bay leedahay, hal safiir ayaana u jooga Itoobiya, safiirkaasna wuxuu joogaa Xamar, isaga ayaana diblomaasiyadda Itoobiya mas’uul ka ah”, ayuu yiri Wasiir Cawad.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: DF oo war cusub kasoo saartay gefafka ay Itoobiya u gaysatay Soomaaliya

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.