DF oo war kasoo saartay duqeyntii lala beegsaday Al-Shabab kuna dhawaaqday dilka hor-joogeyaal sare

0
261

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa war rasmi ah kasoo saartay weerar ka dhacay meel u dhow magaalada Xarardheere oo lagu laayey maleeshiyada Al-Shabaab.Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeyntaas oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka lagu dilay ku dhawaad 70 ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo isku diyaarinayay weeraro argagixiso.Milatariga Mareykanka ayaa Talaadii sheegay in duqeyntaas lagu dilay 60 ka mid ah dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab, taasi oo ah duqeyntii ugu dhimashada badneyd ee muddo sanad ah lala beegsado Al-Shabaab.Halkan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka Soomaaliya:Dawladda Soomaaliya oo gacan ka helaysa Saaxiibo Caalami ayaa agaasintay hawlgal qorshaysan oo lagu beegsaday Saldhig ay Argagixisada Alshabaab ku lahayd agagaarka Degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug.Hawlgankaan oo si wanaagsan ula kulmay ujeedadii laga lahaa ayaa lagu dilay ku dhawaad 70 ka tirsan Alshabaab kuwaas oo isku diyaarinayay weeraro argagixiso oo ay ku waxyeelaynlahaayeen Shacabka Soomaliyeed.Dadka ku dhintay hawlgalkaan waxaa ku jira Horjoogayaal sarsare oo kuwo ku takhasusay maleegista falalka waxyeelaynta maatida ee Kooxdu ku mashquulsantahay, mana jirto waxyeelo soo gaartay Shacabka Soomaaliyeed maadaama bartilmaameedku ahaa Sal-dhig ay isku uruursanayeen Maleeshiyada Shabaab.Dawladda Soomaaliya waxeey u mahadcelinaysaa Bulshada Deegaanka iyo Saaxiibada caalamiga ah oo la’aantood aanu suurtagal noqdeen hawlgalkaan.Dawladdu iyada oo kaashanaysaa Shacabkeeda iyo saaxiibada Caalamiga ah waxeey xaqiijinaysaa in ay ka go’antahay sii labanlaabista Weerarada Kooxaha Sharwadayaasha  ah ee ku hawlan in ay waxyeeleeyaan Shacabka Soomaaliyeed.Dawladda Soomaaliyeed waxeey ugu baaqaysaa Qaybaha kala duwan ee Shacabka Soomaaliyeed in ay ka qaybqaataan Dagaalka ka dhanka ah Kooxaha Nolol-diidka ah, sidoo kale waxeey ka codsanaysaa Saaxiibada Caalamiga ah in ay sii kordhiyaan garab- istaagooda Dawladda iyo shacabka Soomaaliya si looga guulaysto Argagaixisada Soomaaliya ku nuumanaysa.




SOURCE: DF oo war kasoo saartay duqeyntii lala beegsaday Al-Shabab kuna dhawaaqday dilka hor-joogeyaal sare

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.