DF “Somalia kama liidato dalka Suuriya, Libya iyo Iraq mana ogolaan doonno inay hay’adaha caalamiga ah…”

0
272

Nairobi (Caasimada Online) – Wasaaradda qorsheynta xukuumadda Soomaaliya ayaa waqti u qabatay Hay’adaha wali ku shaqeeya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kuwaasi oo ka shaqeeya arrimaha Soomaaliya.Xoghayaha Joogtada ee wasaaradda Qorsheynta C/qaadir Aadan Maxamed ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo qorshaha dalka gudahiisa loogu soo celinayo Hay’addaha fadhigoogu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kana shaqeeyan arimaha Soomaaliya.Xoghayaha ayaa sheegay in Hay’addaha la doonayo inay usoo guuraan magaalada Muqdisho inay yihiin kuwa aan dowliga aheyn oo xorriyad u heysta inay magaalada ka dagaan magaalada halka ay doonaan, sida uu sheegay.Xoghayaha ayaa isaga oo ka jawaabayay Hay’addaha Sheega in amaanka Muqdisho uusan wanaagsan, ayaa cadeeyay in hay’adahasi qaarkood ay Xarumo ku leeyihiin Dalalka Ciraaq, Syria, Afgaanistaan iyo Libya oo uu sheegay inay amaan ahaan ka hooseeyaan Muqdisho.Hay’addo badan ayaa hadda xarumo ku leh xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, waxaana hay’adaha kale uu sheegay in looga baahan yahay inay yimaadaan magaalada Muqdisho ayna ku shaqeeyaan.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: DF “Somalia kama liidato dalka Suuriya, Libya iyo Iraq mana ogolaan doonno inay hay’adaha caalamiga ah…”

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.