DF Somalia oo ka jawaabtay warar sheegaya inay askar tababar ugu dirtay Eritrea

0
217

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka markii ugu horeysay waxay hadashay wararka sheegaya in ay ciidamo u dirtay Eritrea, si halkaas loogu soo tababaro.
Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe), wasiirka difaaca Soomaaliya, oo shalay hor-tagay baarlamanka Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhuftay wararkaas
“Eritrea annaga ciidan uma aanan dirin, koley ma garan karo su’aashaan meel aan wax ka qabto,” ayuu kaga fal-celisay su’aashaasi oo uu hor-dhigay Xildhibaan.
Sidoo kale, taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneral Odawaa Yuusuf Raage, oo isna hor-tagay baarlamanka ayaa sheegay inuusan ka war-hayn wax ciidamo Soomaaliyeed ah oo loo diray dalka Eritrea.
Dhinaca kale, wasiir Amar-dambe ayaa meesha ka saarey in Xoogaga Wadaniyiinta ay ka tirsan yihiin Ciidamadda Qalabka Sidda.
“Xoogaga Wadaniyiinta waxaan filayaa Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed kuma aqaano, wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigaan ahay meel ay ku qoran yihiin ama aan ku xukumo ama aan kaga hadli karo ma jirto,” ayuu yiri.
Xoogaga Wadaniyiinta oo la aas-aasey markii uu Farmaajo xafiiska yimid ayaa lagu sheegay “dad abaabulan, oo taageera xukuumadda lana hubeeyay bilooyinkii dambe”.




SOURCE: DF Somalia oo ka jawaabtay warar sheegaya inay askar tababar ugu dirtay Eritrea

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.