DF Somalia oo sabab cajiib ah u sameysay gaadiidka Al-Shabaab ay gubeen

0
46

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ee dowladda Soomaaliya ayaa sabab cajiib ah u sameeyay gubitaanka AL Shabaab ay gubaan gaadiidka dhuxusha keena magaalada Muqdisho.Guddoomiye ku xigeenka Shabeelaha Hoose C/fataax Xaaji Cabdulle oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in ujeedada Al Shabaab ay u gubayaan gaadiidka dhuxusha keena magaalada Muqdisho ay tahay inay ka horjeedaan jarista dhirta.Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in sababta Al Shabaab u gubayaan dhuxusha iyo gaadiidka wada ay tahay inay doonayaan in dhirta ay kaga gambadaan duqeymaha diyaaradaha Drone-ka ka geystaan Shabeelaha Hose sida uu hadalka u dhigay.C/fataax Xaaji, ayaa sheegay in shalay gelinkii hore ku dhawaad 11 gaari oo dhuxul wada ay kasoo gudbiyeen deegaanka Doonka ee duleedka degmada Afgooye, balse markii ay kusoo dhawaayeen Muqdisho ay Al Shabaab wadada u galeen islamarkaana ay gubeen.Guddoomiyaha kama uusan fakarin in jarista Dhuxusha ay qeyb ka tahay nabaad guurka deegaanka, balse wuxuu ka eegay oo kaliya in Al Shabaab ku dhuumaaleysan karaan haddii aan la jarin.Todobaad ka hor AL-shabaab ayaa degaanka Doonka ee Duleedka Afgooye ku gubtay 7 Gaari oo dhuxul u waday Muqdisho,waxaana shalay ku xigtay labo kale oo iyana ay ku gubtay duleedka Muqdisho.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: DF Somalia oo sabab cajiib ah u sameysay gaadiidka Al-Shabaab ay gubeen

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.