DF Somalia oo war cad ka soo saartay hub laga soo dejiyey dekadaha Somalia

0
286

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageyso dhammaan Hubka ay dadka shacabka ah kala soo dagaan Dekadaha dalka.
Dowladu waxa ay sheegtay inuu jiro Hub badan oo sifo sharci darro ah kusoo gala dalka, kuwaa oo u baahan in laga hortago, waxa ayna xaqiijisay in qalqal amni uu Hubka noocaasi ah ku hayo dalka.
Waxa ay dowladu tilmaantay in Hubkaasi ay lasoo dagaan shaqsiyaad gaar ah oo isugu jira Ganacsato iyo kuwo kale, hase yeeshee ay ku dadaaleyso xakameynta Hubka noocaasi ah.
C/naasir Siciid, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda amniga Somalia, oo arrintaani ka hadlaayay ayaa sheegay in Hubka ugu badan uu kasoo dago xeebaha ku dhow dhow deegaanada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.
Wasiir ku-xigeenka wuxuu sheegay dadaalada dowladda Federalka Somalia ay iminka wado inay tahay arrinta la xiriirta sidii dakadaha Soomaaliya hubka ay kala soo dagaan Shabaab iyo Daacish looga hortagi lahaa.
Si arrintaasi suurtagal ay u noqoto ayaa Wasiir Ku xigeenka wuxuu sheegay in dowladda ay dhiseyso ciidamada badda Soomaaliya oo si wayn loo tayeyn doono, si xeebaha Soomaaliya ay uga shaqeeyaan.
Wasiir ku-xigeenka oo arrinkaan ka hadlaayay ayaa yiri “In aan ka hortagno Ururada argagixisada adeegsiga ay adeegsanayaan baddan Soomaaliya ee iska furan noqotay iyaga oo hub kala soo daga Gobolada qaybtooda, kuna dhibaateeya shacabka Soomaaliya, arrimahaasi oo dhan markaan aragnay waxaan istusnay in aan dhisno ciidamada illaalada Xeebaha Soomaaliya.”
Sidoo kale, Wasiir ku-xigeenka wuxuu hadalkaan ka sheegay kulan gaar ah oo ay isugu yimaadeen Wasiirada dhanka ammaanka ee Maamul Goboledyada iyo kan dowladda dhexe, kaasi oo lagu lafa gurayay suurtagalnimada in laga hortago hubka ay la soo dagaan kooxaha dowladda ka soo horjeeda.
Si kastaba ha ahaatee, Ganacsato, Al Shabaab iyo Daacishta Somalia ayaa qalqal amni ku haya dalka Somalia kuwaa oo si joogta ah hubka noocyadiisa kala duwan uga soo degsado Dekadaha Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: DF Somalia oo war cad ka soo saartay hub laga soo dejiyey dekadaha Somalia

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.