DF Somalia oo war culus kasoo saartay doorashada KOONFUR GALBEED iyo waqtiga u haray Shariifka

0
275

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa qoraal kasoo saartay doorashada Koonfur Galbeed oo shalay xubnihii ugu badnaa ee Guddiga doorashada ay iska casileen.Qoraal kasoo baxay wasaaradda arimaha gudaha ayaa u qornaa Sidan:-Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah waxay faraysaa madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya in doorashada dowlad goboleedka ay qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka November 2018ka.Muddada xilhanyta maamulka hadda ka jira Koonfur galbeed waxay ku egtahay 17ka November lamana aqbali doono in ay dib uga dhacdo.Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxay ku dhiirri gelinaysaa guddoonka iyo xildhibaannada baarlamaanka Koonfur Galbeed in iyagoo gudanaaya waajibaadkooda dastuuriga ah ay si daahfuranna u qabtaan doorashada Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka waqtiga loo asteeyey ee kor ku xusan iyadoo la ilaalinayo xasiloonida iyo deganaashaha Koonfur Galbeed.Warkaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa waxa auu ku soo aadayaa xilli xalay intoodii ugu badneyd ay is casileen Guddigii qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed,iyaga oo sheegay in ay faragelin kala kulmeen dowladda federaalka Soomaaliya.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: DF Somalia oo war culus kasoo saartay doorashada KOONFUR GALBEED iyo waqtiga u haray Shariifka

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.