Antonio Conte ayaa lagu soo waramayaa in maanta shaqada laga cayriyay shaqada kooxda laba sano kadib markii uu hogaaminayay kooxda Stamford Bridge.
Gudoomiyaha Kooxda chelsea ee Bruce Buck ayaa saaka yimid garoonka tababarka kooxda chesea si uu warkaas ugu sheego tababaraha kooxda kula guulaystay horyaalka iyo FA Cup-ka labadii sano ee uu kooxda hogaaminayay.
Xiddigaha kooxda 1-aad ayaa fasax la siiyay galabnimada kuwaas oo todobaadkii hore bilaabay tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Buck ayaa la arkay isaga oo ka tagay garoonka tababarka kooxda chelsea 3.10 daqiiqo saacada geeska Africa kadib markii uu tababaraha u sheegay warka kaas oo la filayay tan ilaa dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.
Blues ayaa haatan la filayaa in ay saacadaha soo socda si Rasmi ah tababare cusub oo kooxda ah ugu magacwod boss Maurizio Sarri kaas oo heshiis la gaaray kooxda Chelsea.
Dhanka kale kooxda chelsea ayaa diiday in ay wax hadal ah ka sheegto wararka haatan soo baxaya sida laag soo xigtay wargayska The Sun.
Waa talaabo lafilannayay dhawaanahaanba hase ahaatee maanta ugu dambayn laga war helay.
READ MORE FROM THE SOURCE: DG DG: CHALSEA OO SI RASMI AH SHAQADA UGA RAACDAYSAY ANTONIO CONTE.