DG DG FRANK LAMPARD OO TABABARE LOOGU MAGACAABAY NAADI KA DHISAN ENGLAND.

0
375

Halyeeygii hore ee kooxda Chalsea Frank Lampard ayaa si rasmi ah loogu magacaabay in uu layliyo kooxda Derby County oo ka ciyaarta horyaalka Champion Ship.

Lamabard ayaa waxaa uu saxiixay heshiis ku kacaya 3 sano isagoona Xilka kala wareegay Gary Rowett oo shaqadaasi isaga tagay.

Frank Lampard ayaa waxaa uu kamid ahaa halyeeyada waayaha wanaagsan kusoo qaatay kooxda chalsea isagoona haatan markiisii ugu horaysay laylin doona Derby County oo ah naadi heerka labaad ka ciyaarta.

waxaana looga fadhiyaa in uu kooxdan usoo saaro Horyaalka Qaybtiisa koowaad.

Dadka u dhuun duleela arimaha ciyaaraha ayaa waxaa ay sheegeen in uu yahy shaqsi kasoo bixi kara howsha loo idmaday.

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.