Kooxda Reer Spain ee Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay si wayn hoos ugu dhigtay lacagaha sida rasmiga ah loogu bur burin karo Heshiis naadigaasi ay kula jirto xidiga Cristiano Ronaldo.
Horay kooxdan waxaa ay u shaacisay in Kooxdii doonaysa Cristiano Ronaldo ay qasab ku tahay in ay miiska saarto 1 bilyan oo euro.
Balse hadda is badal wayn ayaa muuqda waxaana haatan lagu iibsan karaa Cristiano Ronaldo ilaa 120 Milyan oo Euro hase ahaatee hal sharuud kale ayaa ku gadaaman Go’aankaasi.
Sharuuda ku xeeran 120-kaas Milyan ayaa ah in kooxaha Barcelona iyo Psg aysan ku qaadan Karin xidigan qiimahaas jaban oo ay bixinayaan oo kaliya halkii bilyan ee horay lagu qiimeeyay.
Wakiilka Xidigan ayaa la ogaaday in bilaawgii sanadkaan ay lasoo xiriireen kooxo badan oo ka dhisan Horyaalka Premier Leage sida Manchester City iyo Gunners Arsenal.
Cristiano Ronaldo inta badan wargaysyada ka faalooda arimaha ciyaaraha tan iyo curadashadii sanadkan 2018 waxaa ay daabacayeen in uu ka tagayo kooxda Los Balancos hase ahaate ma aysan carabaabeen halkaa socdaalkiisa uu ku wajahan yahay.
Qiimo dhimsta lagu sameeyay Bur Burinta Heshiiska Ronaldo ee Real Madrid ayaa ka dhigan in kooxo badan oo Premier Leage ka dhisan ay fursad u haystaan soo xero gelinta Laacibkan Xirfadiisu wanaagsan tahay hase ahaatee ku dhaw in uu garoomada ka baxo.
READ MORE FROM THE SOURCE: DG DG REAL OO HOOS U DHIGTAY QIIMAHA LAGU BUR BURIN KARO HESHIISKA AY KULA JIRTO CRISTIANO RONALDO.