DG DG XIDIGA LIVERPOOL EMERE CAN OO HESHIIS XOR AH UGU BIIRAY KOOX KA DHISAN TALYAANIGA.

0
214

xidiga u dhashay dalka Germany khadka dhexena uga ciyaara kooxda Liverpool Emere Can ayaa lagu soo waramayaa in uu heshiis Xor  ah la gaaray kooxda Guulaysteyaasha Seri A-da Dalka Talyaaniga  ee Juventus.

Kooxdan Marwada Duqda lagu naaneeso ayaa waxaa dhawaanahaanba lala xiriirinayay Xidigan iyadoo lagu wado in ay ka saxiixdaan heshiis ku kacaya ilaa 4 sano.

Emere Can waxaa 48 saac ee nasoo aadan uu gaari doonaa Magaalada Turino si uu tijaabada caafimaad u maro heshiiskan qalinka ugu duugo.

Waa saxiixi ugu horeeyay ee uu sameeyo Allegri Xagaagan isagoona u arka in xidigan uu wax badan kusoo kordhin karo Naadigaasi.

Wali dhinaca liverpool kama soo yeerin hadal ay ku xaqiijinayaan in Can uu u wareegay Dhinaca Horyaalka Seri A-da Dalka Talyaaniga.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.