Dhaawacyo culus oo diyaarad looga soo qaaday Kismaayo + Sawirro

0
55

Kismaayo (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah dadka qaba dhaawacyada halista ee wax ku noqday weerarkii Kismayo ayaa diyaarad looga soo qaaday magaaladaasi.Dadkan oo ay xaaladdoodu liidato ayaa waxaa loo kala qaaday magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ee xarunta dalka Kenya.Ilo Caafimaad ayaa Caasimadda Online u sheegay in dhaawacyadaasi wax looga qaaban waayey isbitaalka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dadkaasi dhaawacyada ah iyo Ehelladooda ku sii sagootiyey garoonka magaaladaasi.Sidoo kale warar aan helnay ayaa ku warramaya in dowladda dhexe diyaarad siday daawo iyo gurmad caafimaad ay u dirtay Jubbaland, taas gar gaar geysay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulkaasi.Weerarka lagu qaaday hoteelka Cascasey ayaa ahaa weerarkii ugu xooganaa ee ka dhaca Kismaayo, tan iyo markii Al-Shabaab laga saaray magaaladaasi.Jubbaland ayaa shaacisay in weerarkaasi lagu dilay 26 Qof, laguna dhaawacay 56 kale oo ay ku jiraan dad Ajnabi ah.Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Wararkii ugu dambeeyey Weerarka Kismaayo iyo xog kale oo xasaasi ah halkaan ka daawoCaasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com




SOURCE: Dhaawacyo culus oo diyaarad looga soo qaaday Kismaayo + Sawirro

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.